JABUUTI Oo Wafdi Heersare Ah Usoo Dirtay Xuska Maalinta 18MAY Oo Berri Ku Beeggan
JABUUTI:(OWN)-Madaxweynaha ย Jamuuriyadda JABUUTI,Ismaaciil Cumar Geelle,ayaa waxa usoo diray ย Somaliland Wafdi balaadhan oo Xildhibaano iyo Sraakiil kale iskugu jira,kuwaas oo shacabka reer Somaliland kala qeyb-galay weynaynta Maalinta qaran ee 18may.
Safiirka Somaliland Dalka JABUUTI,Amb. Cabdifataax Siicid Axmed,waxa uu SAABTV u sheegay inay Safaarad ahaan u arkaan inay Dawladdu JABUUTI Wafdigaas usoo dirto Somaliland ย uu yahay mid qiimo balaadhan ugu fadhida,isla-markaasna ka marag-ka-caysa Xidhiidhka Labadda Dal,iyada oo la filayo inay Munaasibadda kasoo qeyb-galaan Wafdiyo ka socda Wadamadda Jaarka ah,waxa uu Safiirku sheegay in Wafdiga reer JABUUTI uu qiimo gaar ah u leeyahay,maadama ay Jabuuti iyo Somaliland ay waxbadani ka dhexeeyaan,isla-markaasna xidhiidhkoodu yahay mid soo jireen ah.
Wafdiga ayaa waxa Madaarka Magaaladda JABUUTI kasoo ambo-baxiyay Safiirka Somaliland ee Dalkaasi,waxaana la filayaa inay galabta soo gaadhaan Magaaladda Hargaysa.
Wafdiga ayaa waxay kala yihiin Xidlhibaano ka kala tirsan Xisbiyadda Muxaafadka iyo Mucaaradka JABUUTI iyo Sarkaal Pratacolka,kuwaas oo ay Magacyadoodu kala yihiin;
Djibriil Abdilaahi Maganeh,Ismaaciil Sanalassse siciid,Maxamed Cabdilaahi Cali Iyo Maxamed Cumar Faarax oo isna Ah protocol Waftigan.
Maalinta berri ah ayaa la filayaa in guud ahaanba Somaliland si balaadhan looga xuso Maalinta qaran ee 18may.