Golaha Wakiillada Somaliland oo laalay Kootadii Haweenka iyo isxambaarka

Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa  cod aqlabiyad ah ku meel mariyey Wax ka bedelka iyo Kaabista lagu sameeyay Xeerka Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Xeer No 90/2020 oo ay maalmihii u danbeeyay ka Doodayeen.

Fadhigan Maanta waxa shir gudoominayay Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladda Somaliland Mudane Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle.

Xoghayaha Guud ee Golahaasi ayaa Mudanayaasha u akhriyey Qodobada wax ka bedelka iyo kaabista lagu sameeyay.

Intaas kadib waxaa Cod loo qaaday ansixinta  Xeerka Guud ee Doorashooyinka Iyo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha waxaa ogolaaday 41 Mudane waxaa diiday Hal Xildhibaan ,Gudoomiyuhuna muu codayn sidaas ayuu ku ansaxay Xeerkaasi oo wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyay.

Gudoomiye Ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladda Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa ku wargeliyey Mudanayaasha golaha wakiiladdu inuu dhamaaday Kalfadhigii 43aad ee Golahaasi isla markaana ay galayaan fasax 45 Cisho ah  .

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker