Maxaa ka qurux badan tijaarada Alle lala galaa: nin badalay nolosha dad badan oo fuqara ah !!!

Sheekada nin badalay nolosha dad badan oo fuqara ah !!!
Ninka aan ka hadleyno waa Salaax Cadhiya wuxuu ku dhashay tuulo yar oo layiraahdo Tafahna Al Ashraaf oo dalka Masar kutaala.
Ninkaan maalinta labartay ama dadku ay ogaadeen wuxuu qaban jiray waxey aheyd maalintii geeridiisa kadib markii ay raaceen meydkiisa nus milyan qof ku dhawaad.
Noloshiisa faqri daraadeed wuxuu gaaray heer inaanu weligii xiran dhar cusub oo wuxuu xiran jiray dharka huudheyda ah.
Markii uu yaraa aabihii wuxuu usoo iibin jiray kabaha nambarkoodu yahay 44 hadana isago qaata 42 taaso ugu wacneyd aabaha inuu kafakari jiray kabaha in ay sanado badan hayaan maadama uu sanad walba kabo cusub awoodin inuu usoo gado ama u iibiyo.
Ninka aan ka hadleyno Salaax Cadhiya wuxuu bartay cilmiga beeraha kadib markii uu dhameeyay ayey isaga iyo 8 dhalinyaro oo kamida ardaydii jaamacada isla dhameeyeen waxey go’aansadeen in ay bilaabaan mashruuc yar oo dhaqashada digaaga iyo beeydka ama ukunta.
Waxa ay iska uruuriyeen midkiiba lacag gaareysa 200 jineeh lacagta masaarida oo runtii aad u yar markii loo eego mashruucaas iyaguna intaa kabadan ma ay awoodin.
Waxey isku raacen markaa in ay raadiyaan saamile tobanaad si uu mashruuca u hirgalo balse nasiib darro ma ay helin maadaama dadka magaaladooda ay sabool ahaayeen.
Salaax cadhiya ayaa markaa u yimid dhalinyaradii kuna yiri anaa inoo haya saamile 10-aad
Waxey ku yiraahdeen wa kuma ?
Wuxuu ugu jawaabaay waa ( Allah )
Allaha Swt ayaa inoo noqonaya saamilaha 10-aad
Wuxuu yeelanayaa 10% faa’iidada sanadlaha ah Badalkuna wuxuu noqonayaa inuu na ilaaliyo, faqriga inaga saaro irzaaqadana inoo barakeeyo insha allah.
Waa ay kuwada waafaqeen oo caqdigi ama heshiiskii qaanada 10-aad waxeey ku qoreen Allah.
Sannadkii koowaad ee mashruuca wuu guuleystay oo faa’iido fiican ayey kasoo xareeyeen.
Sannadkii labaad sidoo kale guulo aysan saadaalin buu guuleystay mashruuca markaa kadib waxey go’aansadeen in ay kordhiyaan saamiga saamliha 10-aad ilaa 20% gaarsiyaan.
Faa’iidadaas saamilaha 10-aad ee Allah waxey go’aansadeen in ay kubadalaan nolosha dad badan oo sabool ama faqri ah oo ku noolaa magaaladooda iyadoo halka ay deganayaan aheyd meel aysan dowladu mashaariic kasameyn goobo waxbarasho aanan laheyn.
Haddaba maxeey ku qabteen faa’iidadaas ?
.. Waxey kudhiseen machad diinta lagu barto oo wiilasha u gaara kadibna dugsi hoose dhexe oo wiilsha ah.
.. Si lamid ah machad diini hablaha ama gabdhaha ah iyo dugsi hoose dhexe oo isla hablaha u gooniya.
.. Machad dugsi sare oo wiilshaa kadibna mid lamida oo habla ah
..Kadib ayey ku fakareen in ay jaamacad dhisaan balse wasaarada waxbarashada ayaa shardi uga dhigtay in ay marka hore magaalada khad tareen ka dhisaan.
..Khadkii tareenka ayeey dhiseen kadibna jaamacadii ayaa xigtay oo markii hore laba kulliyad ku bilaabeen ilaa markii dambe ay afar kulliyad ka dhigeen.
..Kadib waxaa sii xigay hooy ama guryo ardayda jaamacada dhigata in ay u dhisaan.
Mid wiilsha u gaar ah oo 1000 arday qaada iyo mid hablaha u gaar ah oo 700 oo ardayad qaada.
… Beytal maal al muslimiin in ay dhisaan ilaa magaaladii qof sabool ama faqiir ah laga waayo !
…Waxa ay sidoo kale caawiyeen haweenka carmalka ama garoobada ah ee magaaladooda ku noolaa.
.. Dhaliyarada in ay shaqo abuur iyo mashaariic yar yar u sameeyaan
.. Ramadaanka afur wadareed dadka magaalada in ay u sameeyaan.
Intaa iyo in kaloo badanba waxa ku qabteen faa’iidada saamilaha 10 aad.
Ugu dambeyna salaax cadhiya wuu geeriyooday sidaa ayeeyna nus milyan qof ku dhawaad uga qeyb galeen janaasadiisa Allaha u naxariisto.
Walaal adna wuxuu alle kusiiyo isku day qeyb kamida inaad alle tijaarad kula gasho badalkuna wuxuu noqon barako, naxariis iyo janno.
Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Waxaa turjumay: ahmed kulmie.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker