Sisi Oo Weeraraya Liibiya Kana Laabtay Dagaalkii Uu La Galaayey Itoobiya

Madaxaweynaha dalka Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa ku gooddiyay iney suurtagal-tahay in dalkiisa qaadi doono tallaabo milatari oo lagu taageerayo janaraal Khaliifa Xaftar oo ay Awooddiisu hoos u sii socoto inkastoo weli uu ka amar taagleeyo magaalada sirte.

 

Khudbad uu telefishinka ka jeediyay ayuu Sisi ka sheegay in magaalada sirte ay masar u tahay khad cas, wuuxuna ku nuux-nuuxsaday in dhaq-dhaqaaqkasto oo ay sameeyneyso xukuumadda Qaahira ay noqon doonto mid waafaqsan sharuucda caalamiga ah.

 

 

Dowladda ay aqoonsan-tahay Qaramada Midoobay ayaa hadalka madaxaweyne Cabifataax ku tilmaantay inuu yahay ‘dagaal ka dhan ah dadka reer Liibiya’ waxayna shegtay ineysan jirin wax la yidhaahdo khad casaan ah oo ku yaalla gudaha Liibiya.

 

 

Ciidamada dowladda oo uu Turkiga baritaarayo ayaa ku sii siqaya magaalada Sirte iyagoo horayna ula wareegay magaalooyin muhiim u ahaa Janaraalka loo taagta-waayay.

 

 

Xulkuumadda Ankara ayaa tiri: ‘waa in Janaraal Xaftar uu isaga baxo magaalada Sirte, haddii la doonayo in la helo xabad joojin waarta’

 

 

Mar sii horreeysay dalalka taageera khalifa Xaftar ayaa ku baaqay xabad joojin, iyo in la billaabo wadaxaajood lagu xallinayo xaaladda ka aloosan Liibiya.

 

 

Waxaa horay fashil ugu dhaamaaday wada-hadallo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafka u dhexeeya Dowladda Liibiya iyo janaraalka Khaliifa Xaftar.

 

 

Baratamihii sannadkii hore ayaa waxaa aad u xogeystay awoodda khaliifa Xaftar isagoo gulufyo xooggan ku qaadayay xarunta dowladda ee Tripoli iyo guud ahaan koonfurta Liibiya.

 

 

Dagaalladaasi waxaa ka dhashay khasaare xooggan oo waxaa xitaa la xiray garoonka diyaaradaha ee magaalada kaddib markii gantaallo awood badan lagu garaacay magaalada. Xitaa maleeshiyada taabacsan xaftar waxaa u suurogashay iney dhowr kilomitir gudaha u galaan magaalada xarunta u ah dowladda uu caalamka aqoonsan yahay.

 

 

Dadka siyaasadda faaleeya ayaa sheegaya in Masar laga soo jeediyey dagaal ay la galaysay Itoobiya oo ay ku moran san yihiin biyaha wabiga Nile, laguna furay jiho cusub oo marin habaabis ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker