Xisbiga Kulmiye Oo Baaq U Diray Musharixiinta KULMIYE Ka Tartamaya
Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), ayaa ugu baaqay dhammaanba murrashaxiinta xisbiga KULMIYE uga qaybgeli doona doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, inay muddo kooban oo ku siman laba maalmood kusoo bixiyaan cashuurta ku waajibtay ee ay ku shubayaan wasaaradda horumarinta Maaliyadda.