Buuggii Miyi illaa Madaxtooyada ee Xirsi qoray iyo aragtidayda ( Qaybta 1aad )

Afeef:

 

Waxan marka hore ka cudur daaranayaa in aanan weli helin buugga Miyi illaa Madaxtooyo nooc kasta oo uu u qoran yahay….ama ku qoran yahay. Sidaasi daraaddeed, qoraalkaygu ma xanbaarsana faallo aan ka bixinayo asraarta buuggu ka warramayo iyo farsamo ahaan sida uu u qoran yahay.

 

Laakiin hadal haynta buugga oo batay, qaybo ka mid ah oo social media ha la soo geliyey iyo ta qoraalkan igu kalliftay oo ah waraysiga uu Xirsi siiyey HCTV, oo aan u arkay waraysi ay wariyaha iyo Xirsi isku hayeen weerar iyo is-difaac.

 

Hordhac:

 

26kii October 2018, xilli fiidnimo ah ayey ahayd maalinta uu Xirsi soo bandhigay buuggiisan Miyi illaa Madaxtooyo.

 

Madal si weyn u agaasiman, isla markaana uu hal door badani ka soo qayb galay ayaa lagu soo bandhigay. Inkasta oo ay hal door badan iyo mas’uuliyiin hore iyo kuwa immiga joogaaba aanay ka soo qayb gelin. Madashaa iyada ah, waxa ay kulmisay siyaasiyiin hore, oo ay Xirsi Xaaji Ali kala fikir ahaayeen amma ay dadku u arkayeen in ay col yihiin. Siyaasiyiinta farta lagu fiiqayeyna waxa ka mid ahaa Maxamud Xaashi oo ahaa Wasiirkii Madaxtooyada xilligii Siilaanyo ee lagu beddelay Xirsi, Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan iyo Ali Marreexaan oo isna loo arkayey in ay siyaasadda aad isaga soo horjeedeen, gaar ahaan xilligii kala guurka siyaasadeed ee doorashada lagu jiray.

 

Dhammaanba siyaasiyiintaa aan magacyadooda soo sheegay, ayaa ah kuwa ay jufo ama degaan ka soo wada jeedaan. Intubana waxa ay Xirsi ku bogaadiyeen buuggaa uu qoray, oo aanu midna akhriyin waxa ku qoran.

 

 

Aragtidayda:

 

Buugga Xirsi intii aan la daah-furin, ee uu social mediaha soo galay, waxa maskaxdayda ku soo dhacaysay, arrimo badan oo aan ku dhu-dhuminayey qaabka uu siyaasigu u qori karo xasuus reebkii noloshiisa iyo shaqadiisa amma inta ku xeeran.

 

Hab qoraalka luqadeed, xaqiiqooyinka buugga ku jira iyo caddaymaha uu raacin karo amma arrimaha xasaasiga ah ee ku qoran buugga ayaan iyana aad uga fekerayey ama u xiisaynayey.

 

 

Balse, daah-furkii buugga ayaan in yar ku niyad jabay. Waayo waxan filayey in Xirsi amma qof uu u igmaday oo buugga soo akhriyey uu sharraxaad ka bixiyo arrimaha qorayaashu niyadda ku hayaan, hase yeeshee waxa xafladdii buuggu ku bilaabantay kuna dhammaatay uun hadallo duur xul ah, kaftan iyo ammaan loo jeediyo Xirsi.

 

 

Ka Ahmedweli Goth ahaan, waxan aamminsanahay in aan ka mid ahay dadkii sababta u ahaa in uu Xirsi buug qoro amma laga qoro siysaasadda uu xilligaa wasiirka ka ahaa. Waxanan maalin maalmaha ka mid ah oo aan u malaynayo in ay ahayd 2011, uu iga soo wacay Hargeysa, 45 daqiiqo ayaanan ka wada sheekaysanay buug aan ka qoro siyaasadda Somaliland, si uu xog ii siiyana aan ku idhi buugga qayb weyn ayaad kaga qorraan doontaa.

 

 

Kadib, fikirka qoraal buug uu qayb ka yahay waa uu soo dhaweeyey, hadalkayagiina waxa markii danbe u batay taariikhdiisii iyo kaalintii uu ku lahaa halgankii SNM, waxanan hadalladiisii ka sii xasuustaa, mar uu iiga warramayey dagaal uu galay, oo bee bee la jiidhsiiyey, balse nasiib wanaag aanay taayirradii bee beegu marin. Ilaahayna badbaadiyey.

 

Xirsi wakhtigaa aad ayaan isugu dhaweyn, mar kasta oo uu London yimaaddana waan is maqli jirray amma kulmi jirray. Aniga uun ima xidhiidhinaye asxaabta iyo macaariifta nin ka war hayana waa uu ahaa. Waxase uu caan ku ahaa shakhsi shaqadiisa jecl amma daacad u ah, oo aad u muuqda.

 

 

Xafladdaa ka dib, waxa aan dhegeystay waraysi uu HCTV la yeeshay Xirsi, waraysiguna waxa uu ku koobnaa uun buugga Miyi illaa Madaxtooyo ee uu qoray, oo ay ku jireen arrimo xasaasi ah. Waxanse ka cudur daarayaa in aanan immiga faalladaydan ku soo bandhigi karin maaddaama aanan buugga helin.  Sida uu waraysiga u bixiyey iyo sida uu buuggu u qorraana ay is khilaafi karaan….wakhtigeeda ayaanan la sugi doonaa.

 

 

Laakiin su’aal uun baan mar walba iska weydiinayey in yar aan ka milicsaday buugga, waraysigiisana aad uga muuqtay, taasi oo ahayd caafimaadka Madaxweynihii Siilaanyo ee uu ku sheegay, “ Muddo bil markii uu Siilaanyo xilka hayey, ayey xaaskiisu iigu yeedhay xaalad caafimaad oo ku soo korodhay Madaxweynaha, taasi oo waa sida uu sheegaye ahayd, in ay Marwo Amina-weris ka shikiday xasuusta Madaxweynaha, isna uu go’aansaday in uu xilka ka dego.” Su’aashayda intaaba igu wareegeysey oo ahayd, in dhakhtar lala tashaday, oo la eegay xaalka Madaxweynaha iyo in kale……Laakiin waxa aan ka shakiyey in aanu Xirsi buuggiisa ku caddayn, in markii Siilaanyo xasuustiisa la dayriyey aan la marin dhakhtar ee la qariyey xaalkaasi.

 

 

Arrinta kale ee la yaabka ila noqotay, waxa ay tahay, tani uu kaga warramay xilligii doorashada, ee qoraal buuggiisa laga soo sawiray aan ka akhristay in maalqabeenka Ina Aw Siciid ku baayacay lacag malaayiin doller ah.

 

Qoraalka buuggan oo dhammaystiran waxan la sugayaa qaybtayda dambe.

 

 

Ahmedweli Goth

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker