Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo dil ku fulisay eedeysanayaal lagu helay dil ay geeysteen

Maxkamadda Darajada Koobaad ee ciidamada ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay laba askari oo ka tirsan ciidamada Qalabka sida magaalad Gaalkacyo.

Askartaasi lagu fuliyay dilka ayaa kala ahaa Dable Xoogga, Cabdikaafi Cali Cabduulle (Madoobe) oo 24 jir ah, kaas oo katirsanaa ururka Lixaad ee Danab ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed kaas oo xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ay kusoo eedeeysay in uu si bareer ah u dilay Ex Dable Xoogga dalka Cadnaan Cali Salaad oo 22 jir ahaa kana tirsanaa ururka Lixaad ee Danab ee Ciidanka xoogga dalka Soomalaiyeed ,

Fal-damiyeedka dilka ah ayaa ka dhacay degmada Gaalkacyo taariikhdu markii ay ahayd 20/07/2021, kaas oo ay maxakamaddu ku xukuntay 23/03/2022 dil toogasho ah oo ah qisaasta Cadnaan Cali Salaad .

Sidoo kale Maxakadda Ciidamada ayaa xukun dil ah ku fulisay maantay Dable Xoogga Iidle Cumar Idiris Barrow oo 28 jir ahaa, kana tirsanaa Guutada 18’aad ee Gorgor ee ciidanka Xoogga Dalka., kaas oo xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka Sida ay kusoo eedeyeen in taariikhdu markii ay ahayd 29/06/2023 uu degmada Xarardheere si bareer ah ugu dilay haweeneey lagu magacaabo Bilan Xaashi Salaad oo 30 jir ahayd .

Dhammaan labada eedeysane ayaa maantay lagu fuliyay xukunka dilka ah Magaalada Gaalkacyo

Dhanka kale Xaashi Salaad Faarax oo ah aabaha dhalay Bilan Xaashi Salaad Faarax ayaa sheegay inuu ku qanacsanyahay xukun qisaasta ee lagu fuliyay askarigii dilay gabadhiisa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker