Madaxweyne Geelle oo ku laabtay Jabuuti ka dib Warar laga baahiyey xaaladiisa Caafimaad

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta dib ugu laabtay Jabuuti, kaddib safar gaar ah oo uu ku tagay Faransiiska oo isugu jiray nasasho iyo baadhitaan caafimaad sida uu horay u shaaciyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti.

Waxaa garoonka dayuuradaha ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Dowladda Jabuuti ayaa maalmo ka hor beenisay warar lagu faafiyey baraha bulshada oo la xidhiidha xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Wararkaas, oo sidoo kale ay weriyeen warbaahinta qaar, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Geelle loola cararay dalka Faransiiska, oo xaaladdiisa caafimaad ay liidato.

Waxaa wararkaas waxba kama jiraan ku tilmaamay Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, oo qoraal soo dhigay bartiisa twitter-ka.

“Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle wuu wanaagsan yahay. Dhammaan wararka la wareejinayo ee ku saabsan xaaladdiisa caafimaad waa kuwa ka fog xaqiiqda,” ayuu yirdh Maxamuud Cali Yuusuf.

Wasiirka ayaa sheegay in madaxweyne Geelle uu dhowr maalmood kadib dib u billaabi doono shaqadiisa. “Ma jiraan wax gaar ah oo laga walaaco,” ayuu yidhi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker