Dhoofinta Shidaalka Sacuudiga Oo Hoos u Dhac Weyn Ku Yimid COVID 19 Dartiis

Dhoofka shidaalka Sacuudiga ayaa sanadkan hoos u dhacay boqolkiiba 62. Warbixin rasmi ah oo ay soo saartay waaxda dalkaasi u qaabilsan xog ururinta ayaa lagu sheegya in dakhliga ka soo xarooday dhoofka shidaalka boqortooyada uu noqday 74.8 billion riyaal ($19.9 bilyan) bilaha ugu horreeya sanadkan.

Dhoofka saliidda cayriinka ah ee Sacuudiga, oo ah dalka ugu weyn dunida ee dhoofiya shidaalka, ayaa hoos u sii dhacayay iyadoo uu yaraaday dalabka dunida ka imaanaya, sababo la xidhiidha xanuunka coronavirus.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa shaacisay in sicir bararka dalkaas uu gaaray 6.1 boqolkiiba bishii July, isagoo bil kahorna ahaa 0.5 boqolkiiba.

Ururka Dalalka Dhoofiya Shidaalka ee (OPEC) iyo dalalka xulafada la ah, ayaa dhimay iibgeynta shidaalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker