Dagaal Culus oo u dhexeeya Xamaas iyo Yuhuudda

Dagaal u dhaxeeya mintidiinta Falastiiniyiinta iyo Militariga Israa’iil ayaa laga soo sheegayaa marinka Qaza, ka dib xafladdii Washintong ka dhacday ee ay heshiiska ku kala saxiixdeen laba dal  ee Carbeed  iyo Israa’iil.

 

Mintidiinta Falastiiniyiinta ayaa waxay labo Madfac ku rideen dhanka Israa’iil.

Mid ka mid ah gantaaladaasi ayaa  ku dhacay magaala xeebeedka Ashdod, halkaasi oo labo nin ay ku dhaawacmeen.

Falastiiniyiinta ayaa waxay sidoo kale shalay 13 gantaal ku ganeen dhanka Israa’iil.

 

Militariga Israa’iil oo ka jawaabayay ayaa  duqeeyey magaalada Qaza, gaar ahaa sida ay sheegeen goobo ay ku sugnaayeen kooxda Xamas.

“Lama yaabani in argagixisada Falastiiniyintu ay gantaalo ku soo rideen Israa’iil xiilli xaflad taariikhi ah ay socotay,” waxaa sidaasi wariyayaasha Washinton ugu sheegay rai’isul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

 

 

“Waxay doonayaan inay daba gadiyaan nabadda, taasina kuma guuleysanayaan,” ayuu intaa ku daray.

“Wan weerari doonaa qofkii gacan uu nagu waxyeeleynayo noo qaada, sidoo kale waan gaaraynaa ciddii gacan nabadeed noo fidisa.”

 

Kooxda Xamas, oo gacanta ku haysa magaalada Gaza, ayaa uga digtay Israa’iil “inay natiijo xumo kala kulmi doonto haddii ay daandaansadaan dadka Falastiiniyiinta islamarkana jawaabta waxay noqon doonaan mid toos ah”.

 

Xiisadda Qaza ayaa bilaabatay xilli Mr Netanyahu iyo wasiiradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka iyo Baxreyn oo heshiis nabadeed oo taariikhi ah ku wada saxiixday Aqalka Cad ee Mareykanka.

 

Mr Trump ayaa sheegay “in heshiiskan uu gundhig u yahay nabad waarta oo laga hirgaliyo guud ahaan gobolka “.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker