Ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya Oo Ka Hadlay Rabashadaha ka socda Itoobiya

Ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa sheegay rabshadaha dalka ka socda iney la mid yihiin kuwii ka dhacay bilihi july 2018 iyo 2019 ee lagu doonayey in dhig badan lagu daadiyo.

 

Dr Abiy Axmed oo shacabka dalka Itoobiya farriin u diray ayaa sheegay in dilka fanaaka loo geystay uu ahaa mid qorsheysan oo lagu doonayo in ammaanka dalka khalkhal lagu geliyo.

 

Inta ay rabshaduhu socdeenna waxaa ku dhintay 6 qof halka ay dad ka badan 70 ay ku dhaawacmeen.

Ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed oo shacabka dalka itoobiya farriin u diray wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay “dilka fanaanka inuu midnimada, iyo nabadda dalka itoobiya uu wax u dhimeyn balse uu sii xoojin doono si rabitaanka cadowga dalka Itoobiya uu u meel marin waa iney shacabka dalku gacmaha isqabsadaan” ayuu yidhi Dr Abiy Axmed.

 

Wuxuuna shacabka u ballan qaaday iney dowladdiisa baadhitaanka qotodheer ku sameyneyn doonto dilkii fannaanka si ay gacan ku dhiiglayashi sharciga u hor keento.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker