Baarlamaanka Puntland oo Ansixiyay Miisaaniyad Sanadeedka Xukuumadda Cusub
Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa Maanta kulankii 24aad ee Kalfadhiga 43aad ku yeeshay Xubnaha Golaha Wakiiladda,iyaga oo ansixiyey Miisaaniyad Sanadeedka xukuumadda Cusub ee Madaxweyne Siciid Cabdulalahi Deni.
Kulanka oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) ayaa waxaa goob joog ka ahaa 40 Mudane,waxaana ogolaatay in miisaaniyada la ansixiyo 38 mudane hal xildhibaan wuu ka aamusay mid kalena waa uu diiday.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) ayaa shaaciyey in ay ansax tahay miisaaniyad sanadeedka Xukuumada Cusub ee Puntland taas oo dhan $$54,000,450 (konton iyo afar malyan, afar boqol iyo konton dollar) taasoo uu todobaadkii hore uu gudbiyay Wasiirka Maaliyadda Maamulka Xassan Shire Cabdi.
Baarlamaanka Puntland