Ex- Madaxwayne Xaaf oo Gaashaanka ku Dhuftay Doorashada Lagu Wado inay Maanta ka dhacdo Dhuusamareeb

Gaalkacyo (OWN) – Madaxweynaha  Waqtigiisu dhamaaday ee Galmudug, Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo Warbaahinta ugu warramayey Isagoo ku Sugan degmada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa ka hadlay Doorashada Maanta  la filayo inay ka dhacdo gudaha magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

 

Xaaf ayaa sheegay in Doorashadan ay la mid Noqoneyso midii horay Cadaado loogu qabtay ee lagu doortay Axmed Baasto, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan waxba soo kordhineyn, islamarkaana ay tahay doorasho la soo dhoo-dhoobay.

 

Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf)

ayaa sidoo kale intaasi ku daray in dowladda federaalka ay ka badbadisay, islamarkaana dad laga soo qaaday Xamar ay ka dhigtay Xildhibaano, iyada oo ay joogaan kuwiii Galmudug ee deegaanka lagu doortay.

“Dowladda ayaa wadata xildhibaanada wax Dooranaya iyo Madaxweynaha la dooranaya-ba ”. ayuu yidhi Xaaf.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in weli uu yahay madaxweynaha sharciga ah  ee Maamulkaasi, isla markaana waqti ahaan 15-bilood ay uga Hadhsan tahay muddo xileedkiisii.

 

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo saacadaha soo socda ee maanta Doorashada madaxweynaha Galmudug iyo ku Xigeenkiisa ay ka dhici doonto magaalada Dhuusamareeb oo haatan laga Dareemayo qaban qaabo Xoogan.

 

 

 

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoo la xiray waddooyin dhowr ah oo ku yaalla gudaha magaaladaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker