Madaxweyne Muuse Biixi oo Markii Ugu Horraysay ku dhoofay Baasboorka Somali Republic , si uu U Soo guto Waajibaadka Xajka

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay magaalada Hargaysa, waxayna u Ambabexeen waddanka boqortooyada Sucuudi Carabiya, halkaasoo ay ku soo gudan doonaan waajibaadka Xajka.

Biixi  ayaa ka mid noqday, madaxda uu boqorka Sacuudigu ku marti-qaaday sannadkan xajka, waxana uu ku dhoofay  Baasaboorka Somaaliya,in kasta oo uu ka caga jiiday iyadda oo aan dibna loogu jadiidin baasaboor Jabuutigii uu ku dhoofi jiray, waxaan ka qaaday Hargaysa ka Qaaday Dayaarad looga soo diray Sacuudiga.

Xubnaha weftiga ah ee ku wehelinaya safarka madaxweynaha, ayaa waxa kamid ah wasiirrada wasaaradaha Arrimaha gudaha, Maxamed Kaahin Axmed, Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Hawlaha guud, Guryeynta iyo Dhulka, Cabdirashiid Ducaale Qambi iyo la-taliyaha gaarka ah ee madaxweynaha, Mudane Cali Maxamed Waran-cadde.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker