Prof. Nasong’o Muliro, Soomaaliya Hadda Ma Aha Tii Wax Walba Laga Yeeli Jiray

Prof. Nasong’o Muliro oo Xidhiidhka caalamiga ah ka dhiga Jaamaadda Technical Univeristy ee Kenya, ayaa ka hadlay tallaabada ay dowladda Soomaaliya qaaday ee ay ku joojisay jaadkii ka iman jiray Kenya, taasi oo dhaawac xooggan gaadhisay ganacsatada Kenya.

 

 

Muliro oo oo la hadlay Wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in hab dhaqanka dowladda Soomaaliya uu muujinayo kalsooni iyo inaysan u baahneyn Kenya.

 

 

“Jawaabta dowladda Soomaaliya waxay direysaa farriin ah in dalkaas uusan iminka ahayn sidii loo haystay ee ahayd in sidii la doono laga yeeli karo,” ayuu yidhi Muliro.

 

“Dowladda hadda jirta ee Soomaaliya waxay daremeysaa inaysna u baahneyn Kenya iyo Afrika sida muuqato, sababtoo ah quwadihii caalamka ayaa isha ku haya kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya ay qaniga ku tahay.”

 

 

Dhinaca kale diblomaasiyiin la hadlay Daily Nation ayaa sheegay in afar shuruud oo la sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku xidhay in jaadka la keeno Soomaaliya markii ay ganacsatada Kenya tageen Muqdisho ay ula  muuqdeen kuwa cayaar ah.

 

 

Waxay sababta ku sheegeen in xilligaas uu Wasiirka Arrimaha Debedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad uu ku sugnaa Nairobi, islamarkaana uusan dowladda Kenya kala hadal arrintaas.

 

“Ma jiro wax wada Xidhiidh ah oo u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya, in la isku xidho arrimaha amniga iyo ganacsigana ma ahn mid u roon labada dalba,” ayuu yiri sarkaal la hadlay Daily Nation.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker