Magaalada Ceerigaabo Oo Maanta Ka Dhacay Mudaharaadyo

Magaalada Ceerigaabo waxa Saaka ka bilaabmay Mudaharaad ay shacabku ku taageerayaan Jabhada uu hogaamiyaha u yahay Kornayl CAARRE.

Mudaharaadka ayaa bilaabmay ka dib markii deegaano ka tirsan gobal Sanaag uu Dagaal iska hor imaad toos ahi ku dhex maray Ciidamada Jabhada la magac baxday Dulmi diid iyo kuwa Somaliland.

Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliland oo fadhigoodu ahaa magaalada Ceerigaabo oo la amray inay xoojin ku sameeyaan ciidamada dagaalka kula jira jabhada CAARRE oo ka sii baxaya gudaha magaalada Ceerigaabo ayuu Shacabk ku eekaysiiyeen mudaharaadka.

inta la ogyahay waxa mudaharaadka ku dhaawacmay Hal ruux, wadooyinka magaalada na waxa xidhay Dhagaxaantaa ay shacabku tuurayeen iyo Taayiradii ay gubayeen.

Waxa jira Mudahaad kale oo isna hada ka bilaabmay Magaalada Burco kaas oo shacabku kaga soo horjeedaan qalalaasaha Siyaasadeed ee ka taagan gobalada bariga Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker