Madaxweynaha Puntland Oo Si Kulul Uga Hadlay Dilkii Poul Anthonty

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay dilki Paul Farmosa saaka  loogu geystey magaalada Boosaaso , waxaanuu u  tacsiyey geerida Paul Farmosa shirkadda DP World  , dowladda iyo shacabka dalka Talyaaniga, dalka Imaaraadka oo shirkadda lagaleeyahay, eheladii iyo qaraabadii uu ka ka baxay iyo dhammaan ummaadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa xaqiijiyey in talaabo sharci ah laga qaadidoona cid kasta oo lug ku yeelata falkani foosha xun, waxaa uu Madaxweynuhu shacabka Puntland ku booriyey inay fiiro gaara u lahaadaan cadawgooda oo ay farta ku godaan inta ku dhexdhuumanaysa.

 

Wuxuu intaasi raaciyay in Al-shabaab, daacish iyo cid kasta oo cilaaqaad laleh ay mutaysandoonaan ciqaab adag oo aan naxariis lahayn, isla markaana waxa uu faray ciidamada dowladda Puntland meelkasta oo ay joogaan inay heegan u galaan sidii ay dalkooda iyo dadkoodaba uga ilaalin lahaayeen cadawga uga imaanaya gudaha iyo dibaddaba.

 

Halkaan ka daawo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker