WHO iyo Unicef oo ku baaqay in dib loo furo iskuullada Afrika

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo hay`adda arrimaha carruurta u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa ku booqqiyay dalalka Afrika inay ka shaqeeyaan sidii ayagoo taxadaraya ay dib ugu furi lahaayeen iskuullada, xilligan oo uu jiro xanuunka safmarka ah ee coronavirus.

Waxay sheegeen in xirnaanshaha daba dheeraatay ee iskuullada aysan u wanaagsaneyn ardayda ayna ka doonayaan dowladaha inay la yimaadaan hab looga hortagi karo in xanuunka coronavirus uusan ku faafin iskuullada.

Labada hay`adood ayaa sheegay in xirnaanshaha iskuullada laga dhaxlay dhibaatooyin ay ka mid yihiin nafaqo-darro, gabdho da` yar ah oo uur qaaday iyo rabshado.

Xirnaanshaha muddada dheer ee iskuullada ayaa khatar ku ah mustaqbalka carruurta iyo bulshadooda, sida uu qabo Agaasimah Unicef ee Afrika Mohamed Fall.

Keliya lix dal oo Afrika ku yaalla ayaa si buuxda u furay iskuullada, sida lagu sheegay qiimeyn ay WHO iyo Unicef ku sameeyeen ilaa 39 dal oo qaaradda ku yaalla.

Dalalka qaar ayaa furay iskuullada haddana si degdeg ah u xiray kaddib markii ay kordheen kiisaska coronavirus.

Kuwo kale ayaa keliya u furay ardayda ku jira sanadkoodii ugu dambeeyay si ay u sameeyaan imtixaanaadka.

Dalalka qaar sida Kenya ayaa gebi ahaanba meesha ka saaray sanad-dugsiyeedka 2020.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker