Diwaan-galinta Xubnaha Shaqo qaran Ayaa Maalmihii Ugu Danbeeyay Ka Socotay Xarunta Guud Ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.
Hargaysa: (OWN)-Xarunta Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Magaaladda Hargaysa waxa 16 Ogos,2020-ka si rasmi ah uga bilaamay diwaan-galinta Xubnaha Shaqo Qaran ee Gobolka Maroodijeex.
Shaqaddan oo ay fulinayaan Saraakiisha Haya’adda shaqaalaha ayaa ilaa hadda si habsami ah u socota,iyada oo haatan la diwaan-galiyay badiba Xubnaha Shaqo Qaran ee Gobolka Maroodijeex,inta dhimana maalmaha soo socda lasoo gabo-gabayn doono.
Gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha,Farxaan Aadan Haybe,ayaa shaqaalaha hawshan fulinaya ku ammaanay dhabar adayga iyo shaqadda hufan ee ay sameeyeen afartii cisho ee ay u danbeeyay ee ay shaqaddu socotay.
Gudoomiyuhu,waxa uu sheegay %98 ay la dhamaystiray shaqadda Diwaangalinta Xubnaha shaqo Qaran ee Gobolka M.Jeex.
Qoraalka Gudoomiyaha ayaa u dhignaa sida tan; “Waxa sidii loo qorsheeyay si habsami ah u bilaabantay diiwaangelinta tirada xubnaha Shaqo Qaran ee Gobolka Maroodi Jeeh. Waxaad si niyad samaan oo milge leh anigoo ogsoon qiimaha iyo kaalinta ay ugu jiraan u adeegida shacbigooda halkan uga mahad celinayaa saraakiisha Hayada shaqaalaha iyo xubnaha kale ee hawshaas gacanta ku haya oo tamar iyo waqti dheeraad ah ku bixiyay sidii maalin kasta tirada loo qorsheeyay in la diiwaan geliyo ay 98% u fushay sidii qorshuhu ahaa- Allah garabkiina ha galo”.
Marka ay soo gabogabawdo hawsha diwaangalinta Xubnaha shaqo Qaran ee Gobolka M.Jeex ayaa waxa loo gudbi doonaa Goboladda kale ee Dalka,gaar ahaana Gobolka AWDAL oo laga bilaabi doono 24 Ogos,2020-ka.





