Natiijada Hordhaca ah ee Codbixinta Golaha Deegaanka HARGEYSA oo la Shaaciyey

Hargeysa (OWN)- Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa mar-dhawayd ku dhawaaqay natiijada hordhaca ah ee xildhibaannada ku soo baxay Golaha Deegaanka ee magaalada Hargeysa.

Golaha Deegaanka ee magaalada Hargeysa oo ka kooban 17 Kursi, waxa tirada ugu badan ku guulaystay Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo helay 7 Kursi, halka xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ku guulaystay 6 Kursi. Xisbiga UCID ayaa isaguna helay 4 xildhibaan.

UCID: 4
1.Xuseen ibraahim.xasna ismaacil
2. Siciid Cudhay .
3. Cabdikariin xasan cabdi garas
4. Khadar axmed cumar yusuf
Kulmiye :6
1. Aadan Jaamac mideeye
2. Siciid jaamac cali
3. Cabdiraxmaan Soltelco.
4. Jamaal Cismaan cabdilo
5. Axmed Juxa
6. Maxamed Abiib Siikaawi.
Waddani: 7
1. Mooge 26kun .
2. Yaasiin cumar yare .
3 .Ismaaciil Aadan sheekh
4 Faysal Cabdiraxmaan
5. Cabdi maxamed faarax Wiiwaa
6 Mawliid maxamed Giire
7. Cabdiraxmaan cabdilaahi maxamed Fidaar

 

Tirada Kuraasta Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Dalka oo hore loo shaaciyey 203 Kursi, ayaa tirada golaha deegaanka ee Hargeysa ka dhigaysaa 220 Kursi, waxaanay saddexda Xisbi kala haystaan sidan hoose.

Xisbiga Kulmiye ayaa haysta 93 Kursi guud ahaan dalka, halka Xisbiga Waddani ku guulaystay 79 Kursi. Xisbiga UCID, ayaa isaguna haysta 48 Kursi.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker