Rai’sul-wasaarihii Hore Ee Malaysia Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Rai’sul wasaarihii hore ee dalka Malaysia Najib Razak ayaa xabsiga la dhigay ka dib markii lagu eedeeyay in uu lunsaday lacag dhan malaayiin doolar. Lacagtani ayaa la sheegay in uu lunsaday intii uu ra’isul wasaaraha ka ahaa dalkaasi. Waxa la filayaa in maxkamad la soo taago maanta oo Arbaco ah.

Wakaaladda wararka ee dalkaasi Malaysia ayaa sheegtay in Mr Najib uu wajihi doono 10 dacwadood. Saraakiishii baaraysay kiiska Mr Razak ayaa waxa ay sheegeen in gurigiisa ay ka heleen alaabo qaali ah oo qimahoodu gaarayo nus balyuun doolar.

Rai’sul wasaarihii hore ee dalka malayshiya Najib Razak ayaa beeniyay dhammaan eedeeymaha loo soo jeediyay. Muuqaalka uu soo dhigay barta Twitter-ka ayuu Mr Najib waxa uu ku sheegay in uu doonayo in uu bixiyo raaligalin islamarkana uu cafis dalban doono

Waxa uu qiray in ay jireen dulduleelo badan islamarkana intii kalaankiisa ah uu isku dayay in uu wax ka qabto. Bishii May ayay ahayd markii Mr Najib Razak lagaga adkaaday doorashadii dalkaasi ka dhacday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker