War deg deg ah: Wasiir ka Tirsan Maamulka Hirshabeelle Somalia oo La Toogtay
Jowhar (OWN) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in magaalada dhexdeeda lagu toogtay wasiir ka tirsan Maamulkaas.
Wasiirkii Beeraha ee dowlad goboleedka Hirshabelle Xildhibaan Cabdiqaadir Abuukar karaani ayaa la sheegay inay kooxo hubeysan toogteen xilli uu kasoo baxay Saaladda Cishaha.
Wasiirka Cabdiqaadir Abuukar karaani oo dhawaan xilkaan loo magacaabay ayaa lagu dilay Xaafadda Kulmis ee Magaalada Jowhar.
Sida ay goobjoogayaal u xaqiijiyeen Caasimadda Online, Wasiirka ayaa waxaa toogtay kooxo ku hubeysan bastoolado kuwaas oo meesha ka baxsaday markii ay dilka fuliyeen.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Hirshabelle ayaa soo gaaray meesha uu dilka ka dhacay, waxayna durba bilaabeen howlgal lagu baadi goobayo kooxihii dilka fuliyey.




