Midowga Yurub oo digniin culus u diray madaxda Soomaalida

Midowga Yurub oo war-saxaafadeed ka soo saaray khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya ee u dhaxeeya madaxda dowladda federalka iyo qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada ayaa si kulul uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee hadda Soomaaliya ku sugantahay.

Madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub ayaa madaxda Soomaalida u sheegay in loo baahanyahay hanaan doorasho oo hufan in lagu qabto sida ugu dhaqsiyaha badan. si xukunka la isugu wareejiyo hab nabdoon, iyadoo la raacayo hir-gelinta heshiiskii doorasho ee 17-kii September.

“Heshiis la’aanta hadda taagan waxay dib u dhigeysaa xawaaraha is-beddella deg degga ee loo baahan yahay, taasi oo dhaawaceysa muwaadiinta Soomaaliyeed,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub.

“Marka mudnaanta shaqsiyadeed ay ka sarreyso danta guud ee dalka, hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ayaa ceebeynaya naftooda si ay u metelaan muwaadiniintooda, kuwa wax u dhimaya wadahadalka ama ka shaqeynaya rabshadaha, waxaa laga qaadi doonaa tallabada ku haboon, waxeyna wajihi doonaan caawqibta waxa ay sameeyeen,” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub ahna wasiirka Arrimaha Dibadda Josep Borrell.

Waxa uu sheegay madaxda dowladda federalka iyo kuwa dowlad goboleedyada looga baahan yahay inay ilaaliyaan sharafta mas’uulyadda ay u hayaan umadda Soomaaliyeed, isla markana ay si deg deg ah ku qabtaan doorashooyinka madaxtinimo iyo tan baarlamaanka.

“Ma ogolin doorashooyin isbarbar socda, mid hal dhinac ah iyo mid aan loo dhameyn, mana heli doonto taageeradeena. Heshiis la’aanta hadda taagan waxay dib u dhigeysaa xawaaraha is-beddella deg degga ee loo baahan yahay, taasi oo dhaawaceysa muwaadiinta Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub Josep Borrell.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker