‘Aniga oo qandhojabiye heli karin ayaan duqaynta ku hoos umulay’

Marka ugu horeysa ee dhalmada waxay hooyo kasta u tahay waayo-aragnimo adag, laakiin kuwa Gaza, xaaladaha adag ee horeba waxaa u sii dheer saamaynta xun ee dagaalka, burburka, barakaca, iyo kheyraadka xaddidan.

Ka dib markii ay u adkaysatay weeraradii xooganaa ee ciidamada Israel, Ms. Kefaya, oo maalmo kaliya ay ka hadhsanaayeen wakhtigii loo qabtay inay dhasho, ayaa qoyskeeda kala carartay gurigeeda. Haweeneydan oo 24 jir ah oo ka soo jeeda waqooyiga Qaza ayaa sameysay wax kasta si ay u hubiso badqabka nafteeda iyo canugeeda uurka ku jira markii ay u socdeen koonfurta Gaza.

“Ilmahaygu afar maalmood buu jiraa, laakiin weli magac ma ubixinin iyada oo ay ugu wacan tahay dagaallada socda iyo murugo kale oo aan la soo koobi karin,” Kefaya ayaa sidaas BBC u sheegtay iyada oo magangalyo u raadsaneyso dugsi la dhisay oo ay gacan ka geysatay Qaramada Midoobay. “Markii aan baxnay, duqeyn culus ayaa nagu hareereysay goobta.”

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku warramaya in kala bar isbitaallada Gaza ay u xiran yihiin burbur, amni-darro, iyo qalab la’aan awgeed. Sida laga soo xigtay hay’adda Qaramada Midoobay, qiyaastii 50,000 oo haween uur leh ayaa ay saameeyeen rabshadaha socda, haddana 180 dhalmo ayaa maalin kasta la soo tabiyaa in kasta oo isbitaallo badan la xiray.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker