Waa maxay Caqabadaha ku Xeeran Shirka Dhuuso mareeb

Waxaa maanta oo ay taariikhda ku beegan tahay 15-ka bisha Agoost loo ballansanaa in xarunta maamul goboleedka Galmudug uu ka dhaco shirka Dhusamareeb 3

 

Oo looga arrinsan lahaa nooca doorasho ee Soomaaliya ay yeelaneyso iyo sidii ay u dhici lahayd doorasho wakhtigeeda ku dhacda inkastoo waxyaaba badan lagu kala aragti duwan yahay.

 

Maamul goboleedyada ayaa shirkii dhawaan ay ku yeesheen Dhusamareeb waxaa ay isku raaceen in dalka ay ka qabsoonto doorasho dadban oo xilligeeda ku dhacda, haseyeeshee guddoonka gollaha shacabka iyo madaxtooyada ayaa iyaguna ku adkeysanayay in doorasho qof iyo cod ah dalka ay ka dhacdo.

 

Shirka saddexaad ee Dhusamareeb ayaa la filayay in lagaga arrinsado arrima badan oo ay kamid tahay sidii la isugu waafaqi lahaa nooca doorasho.

Balse waxaa jira astaamo muujinaya in shirka Dhusamareeb in uusan ku qabsoomi doonin xilliga loogu talagalay ,walow wasiirka dastuurka ee dowladda federaalka uu ku adkeystay in maalinta sabtida ay joogi doonaan magaalada Dhusamareeb, si loo sii ambaqaado shirka.

 

Ergada guddiyada farsamada ee Jubaland iyo Puntland

Markii dhawaan madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ay ku kulmeen magaalada Dhusamareeb, waxyaabihii kasoo baxay shirkaas waxaa kamid ahaa in la sameeyo guddi farsamo oo ka kooban federaal iyo maamul goboleedy, kuwaas oo u gogol xaari doona shirka, sii gorfeyn doonana waxayaaba looga hadlayo shirka Dhusamareeb oo ay kamid tahay nooca doorasho iyo arrimo kale.

 

Haseyeeshee guddiyada farsamada ee maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland ayaa ka baaqsaday inay ka qeybgalaan shirarka guddiyada ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

 

 

Guddigan oo uu guddoomiye u yahay wasiirka dastuurka ee dowladda federaalka, Dr Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in maamulada Puntland iyo Jubaland aysan ka qeybgelin shirarkii guddiga farsamada balse ay filayaan inay yimaadaan Dhusamareeb.

 

 

“Waa ay naga maqan yihiin xubnihii Jubaland iyo Puntland, waxaana rajeeneynaa in halkaas ay inoogu yimaadaan,marka ay noo yimaadaan ayay fikirkooda nagu dari doonaan”, ayuu yiri Wasiir Saalax oo la hadlay Warbaahinta

 

Ergada Jubaland uga qeybgeli lahayd ayaa sidoo kale BBC-da u xaqiijiyay in aysan ka qeybgelin shirarkii Muqdisho ee guddiga, arrintaa oo la aaminsan yahay inay culeys ku keeneyso qabsoomidda shirka Dhusamareeb 3.

Diyaargarowga martgelinta shirka

Shirarkii dhawaan ka dhacay magaalada Dhusamareeb waxaa aad looga dareemayay diyaargarowga loogu jiray soo dhaweynta martida iyo mas’uuliyiinta ka qeybgaleysa shirka, waxaana magaalada Dhusamareeb maalmahaas laga dareemayay diyaar garow loogu jiro, hase yeeshee maanta oo Sabti ah oo shirka loo ballasan yahay, waxaa muuqata in aanay jirin diyaargarow la mid ah kii hore oo lagu soo dhaweynayo madaxda.

 

“Inkastoo madaxda aan maqalno inay ku adkeysanayaan in shirka uu qabsoomi doonaa, haddana inoo ma muuqata diyaargarow lamid ah shirarkii hore dhacay haddii ay ahaan laheyd dhanka ammaanka, soo dhaweynta iyo waxyaaba kale”, ayuu yiri Maxamed Cabdi Weli oo kamid ah shacabka magaalada Dhusamareeb oo la hadlay Saxaafadda.

 

Maalma ka hor waxaa Dhusamareeb tegi jiray ilaalada madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, taas oo ifafaalo u ah imaanshaha madaxda imaneysa shirka iyo diyaargarowga.

Khilaafka cusub ee Puntland iyo Federaalka

Xilli dhawaan Dhusamareeb ay ku kulmeen madxda maamulada Puntland iyo Jubaland oo dhinac ah iyo dowladda federaalka ayaa haddana waxaa halkaas ku idlaaday khilaaf u dhaxeeyay labada dhinac, taas oo keentay in laga wada shaqeeyo arrimo ay kamid yihiin doorashada.

 

Haseyeeshee madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maalin ka dib markii xilka laga qaaday ra’iisul wasaare Kheyre waxaa uu dowladda federaalka ku eedeeyay inay dooneyso inay minja xaabiso waxyaabihii ka soo baxay shirka Dhusamareeb.

 

“In xil ka qaadistii ra’iisul wasaaraha aan annagu u aragno mid la doonayo in lagu xagal daacinayo oo lagu burburinayo waxyaabaihii kasoo baxay shirka Dhusamareeb, arrintaas mas’uuliyadeeda waxaan saareynaa madaxweynaha jamhuuriyadda, maxaa yeelay wixii uu inoo sheegay iyo wixii aan ku heshiinay wax aan ahayn ayuu ku dhaqaaqay”,sidaas waxaa maalin kadib markii xilka laga qaaday Kheyre yiri madaxweynaha Puntland, Saciid Deni.

 

Arrintan ayaa loo arkaa mid culeys horleh ku keeni karto xiriirka aan cagaha badan ku taagneyn eek a dhaxeeya Puntland iyo federaalka, waxaase muuqata in inta laga xallinayo waxyaabaha ay tabaneyso Puntland kadib shirkii Dhusamareeb ay adag tahay in Shirka Dhusamareeb 3 uu ku qabsoomo xilliga loogu talagalay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker