Ingiriiska Oo Cagaha La Galay Dhaqaale Burbur-wayn

Ingiriisku wuxuu si rasmi ah cagaha ula galay dhaqaale burbur wayn oo ka dhashay xanuunka safmarka ah ee Covid-19, kaas oo saamayn ku yeeshay dhaqaalaha Ingiriiska oo ka mid ah wadamada ugu cududa buuran dunida dhaqaale ahaan.

Intii u dhaxaysay bilihii Aoril iyo June ee sanadkan ayuu dhaqaalaha dalkaasi dhulka galay, waxayna dawladdu la tacaalaysaa wax ka qabashada arintan.

20.4% ayuu hoos u dhacay koboca dhaqaalahu marka la barbar dhigo sadexdii bilood ee sanadkan 2020 ugu horaysay.

Maciishadda ayaa sare u kacday, dukaamada ayaa la amray in ay xidhmaan, iyadoo warshadaha iyo dhismuhuna ay hoos u dhaceen.

Dhaqaale burburka ku dhacay wadamada Maraykanka iyo Jarmalka, ee uu keenay Covid-19 waxa laba jeer ka badan kan ka dhacya dalka Ingiriiska.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker