Soomaaliya Oo Ay Joogaan Ciidamo Shisheeye Haddana Awood Umalaha Inay Amaanka Soomaaliya Soo Celiyaan, Halka Somaliland Ay Leedahay Ciidamo Awood Leh Oo Amaanka Somaliland Ku Filan !!!!!!!!.

Soomaaliya Muddo 28 Sano Ah May Yeelan Ciidamo Milateri Oo Awood Leh Oo Amaanka Caasimadda Iyo Goboladda Kaleba ILaalin Kara!!!!!, Halka Somaliland Muddo 28 Sano Ay Leedahay Ciidamo Milateri Oo Awood Leh, Ciidamo Boolis Oo Awood Leh, Ciidamo Badda Ah Oo Awood Leh Oo Dhamaantood Amaanka Shacabwaynaha Somaliland Iyo Amaanka Dhulwaynaha Somalilandba ILaalin Karaya, Haddana Wadamadan Isku Sheega Inay Haystaan Aqoonsi Ha Noqdaan Wadamadda Muslimka, Wadamadda Reer Galbeedka, Wadamadda Reer Bariga, Wadamadda Afrika Kama Haystaan Tixgelin Buuxda, Kama Haystaan Garoowshiiyo, Kama Haystaan Gar Gaar Bini Aadam, Kama Haystaan Dhaqaale Ay Ku Caawiyaan, Kama Haystaan Dib U Dhiska Asaaska Bulshadda, Kamana Haystaan Aqoonsi Caalamiya!!!!!!!, Balse Wadamadaasi Waxay Somaliland La Jecel Yihiin Inay Noqoto Sida Soomaaliya Ee Colaadaha Iyo Qaraxyada Wehelka U Noqotay!!!!!!,
Halka Soomaaliya Oo Muddo 28 Sano Aanay Ka Jirin Dawlad, Oo Sanadadaas Badan Ay Ka Jiraan Dagaalo, Qaraxyo Oo Ay Ku Dhinteen Boqolaal Kun Oo Soomaali Ah, Kuna Dhaawacmeen Konton Kun Oo Soomaali Ah Iyo Shacabwaynaha Soomaaliya Oo Nafahoodii Halis Gashay Khasabna Ay Ku Noqotay Shan Milyan Ku Dhowaad Inay Wadankooda Ka Qaxaan, Yagoo Magan gelyo Waydiistay Wadamadda Afrika, Aasiya, Yurub Iyo Maraykan.
Soomaaliya Oo Ay Joogaan Ciidamo Shisheeye Hadana Awood Uma Lahaa Inay Amaanka Soomaaliya Soo Celiyaan!!!!!, Balse Waxay Ka Door bidaan Boqolaal Bilyan Ee Dollar Ee Ay Maraykanka Iyo Qaramadda Midoobay Ku Dul cunayaan!!!!!, Dhaqaalahaas Faraha Badan Oo Dhisi Lahaa 20 Wadan Oo Afrika Ku Yaala!!!!!.
Wadamadda Caalamku Mar Haddii Aanay Ogolayn In Soomaaliya Ay Yeelato Ciidamo Awood Leh Oo Amaankooda Sugi Kara Iyo Xuduudaha Ay Wadamadda Kale La Leeyihiin Oo Ay ILaashadaan, Wadamadda Caalamka Maxaa U Diiday Inay Awoodooda Dhaqaale Isugu Geeyaan Wadanka Somaliland Oo Muddo 28 Sano Ahaa Wadan Ka Madax Banaan Wadankii Ay La Midoobeen Ee Xoriyadda Ka Qaatay Wadanka Talyaaniga Ee La Odhan Jiray Italian Somaliland, Halka Wadankii Xoriyadda Ka Qaatay Wadanka Ingiriiska Ee La Odhan Jiray Biritish Somaliland, Midoowgii Labada Wadana La Baxay Jamhuuriyadda Soomaaliya
(Somali Republic) Ama Republic Of Somali.
Wadamadda Caalamka Waxaad Badankooda Moodaa Inay U Fekerayaan Sidii Libaax Dad Iyo Duunyaba Aan Nabad gelinayn Oo Ay Doonayaan Wadankasta Oo Xasiloon, Ama Caalamka Ka Sugaya Aqoonsi Inay Burburiyaan Oo Ay Ka Dhigaan Sida Soomaaliya, Oo Damiir Xumadooda Ay Siisay Inaanay Dan Iyo Muraadtoona Ka Gelin Shacabwaynaha La Xasuuqayo Ee Leh Dumar, Caruur, Waayeel Iyo Dhalinyaro, Balse Ay Ka Door bidayaan Boqolaalka Bilyan Ee Wadankasta Oo Ay Burburiyeen Ama Ay Go’doomiyeen Ay Wadamadda Caalamka Ka Dhaadhicinayaan In Qaadhaan Ama Deeq Loogu Yabooho Wadamadda Dagaaladu Ragaadiyeen, Iyo Wadamadda Aan La Aqoonsan, Qaadhaankaas Ama Deeqdaas Wadamadda Lagu Caawiyo Waxaa Ka Soo Gaadha 5%, Halka 95% Ay Ku Dhacdo Dilaaliinta Ka Macaasha Dhiiga Wadamadda, Dilaaliinta Dhiiga Ku Macaasha Waxaa Ugu Horeeya Wadanka Maraykanka Iyo Qaramadda Midoobay Oo Qaadhaanka La Soo Uruuriyey Dib Ugu Noqda 85%, Halka Wadamadda Kale Ee Ay Isku Xulafada Yihiin Qaadhaanka La Soo Uruuriyo Dib Ugu Noqda 10%.
Wadamadda Caalamka Badankoodu Goormay Ka ILbaxayaan Wadanka Maraykanka Iyo Qaramadda Midoobay Ama Ay Dib U Sixid Ugu Samayn Doonaan Wadanka Maraykanka Iyo Qaramadda Midoobay, Kana Dhaadhicin Doonaan Inay Soo Raacaan Wadada Nabada Iyo Horumarka, Oo Sida Wadanka Maraykanku Uu Ugu Baahan Yahay Nabad Iyo Horumar, Ayey Wadamadda Caalamkuna Ugu Baahan Yihiin Nabad Iyo Horumar.
Wadanka Maraykanka Iyo Qaramadda Midoobay Haddii Ay Ugu Badinayso Inay Wadankasta Oo Nabad Ku Naaloonaya Oo Ay Kala Afkaar Noqdaan Inuu Caqligooda Xuni Siiyo Cuna Qabateeya Ama Dagaal Ku Qaada.
Wadamadda Caalamku Sidii Hore Ha Moodina Waxaa Iman Doonta Wakhti Dhoow Inay Wadamadda Caalamka Oo Aan Ku Jirin Wadanka Maraykanka Inay Samaystaan Ururka Qaramadda Midoobay.
Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland
Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Republic.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker