Shir Muqdisho ku Dhexmaray Guddoomiyaha Ganacstada Qaadka Kenya Iyo Wasiiro ka Tirsan Xukuumadda Somalia oo Burburay

Muqdisho (OWN) โ€“ Waxaa mugdi sii galayo mustaqbalka Ganacsatada Qaadka Kenya iyo Beeraleyda Miirooย  kadib markii uu istaagay ganacsigii weynaa ee kala dhaxeeyey Soomaaliya, halkaasi oo laga joojiyey Qaadkii.

 

 

Qaar ka tirsan ganacstada qaadka ee Kenya oo soo gaadhay Muqdisho ayaa kulamo la qaatay qaar ka tirsan wasiirada Xukuumadda Soomaaliya, waxayna xogtu sheegeysaa in kulamadaas ay kusoo dhamaadeen natiijo laโ€™aan.

 

 

Rajada ganacstada qaadka ee Kenya ayaa ceel kusii dhacday markii Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in arrintan ay kaliya kala hadli karaan dowladda Kenya.

Guddoomiyaha Ganacsatada Kenya Maua Mohamed Qureshi oo la hadlay Daily Nation ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu diiday codsigooda ahaa in dib loo fasaxo qaadka sida uu hadalka u dhigay.

 

โ€œMadaxweyne Maxamed Farmaajo wuu diiday codsigeenna ah in aan dib u bilaawno ganacsiga miraa.โ€

Maua Mohamed oo ka hadlayey sababta loo diiday duulimaadyada qaadka ayaa sheegay in arrintaas aysan wax xiriir ah la laheyn xayiraadda COVID19

 

 

โ€œGoโ€™aanka lagu joojiyey qaadka maahan mid xiriir la leh COVID19, balse sababta ayaa ah mowqifka adag ee Kenya ay ka leedahay soo dejinta Soomaaliya,โ€ ayuu yidhi.

 

Guddoomiye Maua ayaa aaminsan in tallaabada dowladda Soomaaliya ay ku joojisay qaadka ka imaanayey Kenya ay jawaab u tahay goโ€™aankii ay Kenya ku gubtay dhawaan bariis, sonkor iyo kaluun badan oo ka socda Soomaaliya.

 

 

Dowladda Soomaaliya ayaa dakhli tiro badan ka heli jirtay qaadka, waxayna wasaaradda Maaliyadda sheegtay in sanadkii 2019 laga helay dhakhli dhan $ 16.6 milyan oo ah canshuurta soo dejinta khaadka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker