Wasiir Faratoon Oo Wareegto Ku Hor-joogsaday Dhisme Wasaaraddu Lahayd Oo Uu Bixiyey Wasiirkii Hore e Waxbarashadu

Hargeysa (OWN)-Wasiirka waxbarashada iyo sayniska somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa ka noqday ogolaansho uu wasiirkii ka horeeyey ku bixiyey qolal ku yaala wajahada xafiiska waxbarashada gobolka. Wareegtada Wasiir Faratoon oo ay heshay Shabakada Hadhwanaagnews oo aanu  ayaa  waxba kama jiraan kaga dhigay qolalka uu bixiyey wasiirkii ka horeeyey, waxaanu sheegay inaan waxba laga soo qaadi Karin talaabadaas hore Wasiir Faratoon ayaa soo saaray qoraal uu ku tixraacayo qoraalkii hore ee ex Wasiir Habane ugu ogolaaday labadan qol afhayeenka wasaarada waxbarashada, waxa uu fariin ugu diray hay’addaha amniga, wasaarada hawlaha guud iyo madaxweyne Muuse Biixi.

Dhinaca kale afhayeenka wasaarada waxbarashada Cabdilaahi Ibraahin Xaaji Xasan ayaa qoraal uu kaga jawaabay amarka wasiirka waxa uu ku sheegay in dhismayaashan uu ku hir geliyey ogolaansho wasiir, maantana uu aqbalay go’aanka wasiir Faratoon ee joojinta ah.

Sidoo kale afhayeenka wasaarada waxbarashada ayaa qoraalka uu ugu jawaabay wasiir Faratoon waxa kale oo uu ku dooday in dhismayaashan uu maal galiyey ganacsade wasaarada waxbarashada dhiiri gelin ka mudan kaas oo hore afar fasal ugu dhisay dugsigii xidhmay ee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, sidaas darteedna ay muhiim tahay in dawladu ay meel saarto hantidii ka gashay dhismaha labadaas qol ee wasiir Faratoon amarka dul dhigay.

Sidoo kale Cabdillaahi Ibraahin waxa uu ku dooday in ay xaaraan tahay in qof muwaaddin ah oo maalgaliyay tacliinta dalka lagaga daba yimaaddo laba meheradood oo dhismay wakhtigii Xukuumadii Siilaanyo maadaama ay Wasaarad kasta ku dhex yaalaan meherado ganacsi.

Afhayeenka wasaarada waxbarashada Cabdilaahi Ibraahin Xaaji Xasan oo ka mid ahaa dadkii sida weyn ugu ololeeyey madaxweyne Muuse Biixi, ayaa haatan ay dhawr jeer ismaandhaaf soo kala dhex galay wasiirka waxbarashada, iyada oo wasiir Faratoon iyo wasiirka maaliyadu ay sabab u ahaayeen in miisaaniyada dawlada laga saaro dugsigii sare ee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo uu gacanta ku hayey afhayeenku, talaabadaas oo keentay inuu xidhmo dugsigaasi.

Sidoo kale afhayeen Cabdilaahi Ibraahin Xaaji Xasan ayaa mar xabsiga loo taxaabay iyada oo loo haystay dhaqaale uu madaxweyne Muuse Biixi ugu deeqday deyrka dugsiga Suldaan Maxamed.

Sida kastaba ha ahaatee lama saadaalin karo sida ay meheradahan lala wareegay u saamayn doonaan dareenka dadweynaha maadaama ay iminkadanba dugsiga sare ee Maxamud Axmed Cali uu ka socdo dhismaha meherado u jeeda laamida tagta madaarka, iyada oo markii horana meesha lagu bixiyay in laga dhisayo dab damis.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker