Baaq saddex qodob ah oo ay soo saareen dhallinyarada Gobolka Togdheer

Baaq uu nuxurkiisu yahay saddex qodob kana soo baxay dhallin yarada Togdheer;
1. Waxa aanu si wayn ugasoo horjeednaa hadalkii kala qaybinta iyo kicinta bulshada ahaa ee kasoo yeedhay duqii hore ee magaalada Burco, waxana aanu ugu baaqaynaa in uu ka waantoobo kala qoqobka bulshada isla markaana uu raalli gelin degdeg ah ka bixiyo.
2. Xildhibaanada golaha deegaanka magaalada Burco ee iyagana khilaafkoodu debeda u soo baxay waxa aanu xasuusinaynaa in uu khilaafku yahay wax iska caadi ah, kolka la wada shaqaynaayo, balse ay reeban tahay in la xumeeyo oo dan ka baxsan danta guud khilaafka lagu saleeyo , waxa aanu mudanayaasha ugu baaqaynaa ‘Gacmo geel jire hoosbaa loo dhaqaayee’ in ay khilaafkooda si hoose oo degdeg ah u xalliyaan, midnimadoodiina ay soo celiyaan.
3. Ugu dambayntii, waxa aanu guud ahaan shacabka Soomaaliland, gaar ahaanna bulshada reer Burco ugu baaqaynaa in ay garab istaagaan baaqii badhasaabka gobolka Togdheer isla markaana gurmad ballaadhan loo fidiyo deegaamada ay abaaruhu saameeyeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker