Qarax Gaari Oo Goor Dhow Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Muqdisho(OWN)- Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya nawaaxiga Daljirka Daahsoon & Inta u dhaxeysa Xaruntii hore ee Baarlamaanka, qarax gaari ayaa halkaasi ka dhacay.

 

Qiiq & Uuro cirka isku shareertay ayaa la arkay, waxaana goobta qaraxa uu ka dhacay ka agdhaw goob kaalin shidaal ah oo laga cabsi qabo inuu saameeyo qaraxa.

 

Gaarigaan qarxay ayaanan la ogeyn halka uu bartilmaameedkiisa ahaa & qof inuu ku dhex jiray oo uu saarnaa, balse dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in gaari nooca raaxadda uu ahaa waxa qarxay.

 

Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan oo daqiiqado ka hor ka dhacay Magaalada Muqdisho, Goobta qaraxa uu ka dhacay meel ku dhaw waxaa Koontarool Ciidan ku leh Ciidamada Booliska Dowladda Federalka Somaliya.

 

Sidoo kale goobta qaraxan uu ka dhacay ayaa maalin ka hor Ciidamada Booliska waxa ay ku dileen nin ka tirsanaa Ururka Al Shabaab.

Oodweynenews

Muqdisho

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker