Madaxweyne Somaliland oo Shacabka Caasimadda Kala Qayb-galay Tukashada Salaadda Ciidal Adxada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qayb-galay tukashada salaadda ciidal Adxada.
Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha kala duwan ee ciidamada, maayarka caasimadda, madax kala duwan oo xukuumadda katirsan, ayaa la tukaday shacabkii salaadda ciidal Adxada ku gutay masjid Jaamaca weyn ee caasimadda Hargeysa, waxana uu halkaas ka jeediyey khudbad uu bulshada kula dardaarmay inay isku duubnaadaan, danta guud iyo horumarkana u midoobaan.
Ugu horrayn waxa uu madaxweynuhu shacabka Somaliland iyo guud ahaanba ummadda Islaamka u rajeeyey inuu dembi-dhaaf ballaadhan siiyo, sannadkan sannadkiisana nabad iyo barwaaqo ku gaadhsiiyo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu tilmaamay in Somaliland wax ku noqon karayso marka shacabkeedu is kaashadaan oo ay u midoobaan dhibaato kasta oo hor taalla, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,
“Somaliland oo dhammi marka ay isku darsanto ee ay waxeeda isu geyso ayey adduunka wax ka noqonaysaa, markaa waxan leeyahay dadku ha is kaashado, si aynnu uga baxno dhibaatooyinka jira.”
Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu bulshada ugu baaqay inay aamminaan awooddooda, si midaysanna uga hortagaan Aafada maandoorayayaasha kala duwan ee dalka lasoo gelinaya, islamarkaana ay arrintaas kala shaqeeyaan ciidamada Ammaanka.
Ugu dambayntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu qaabilay qaar kamid shacabka iyo haldoorka Bulshada oo booqashadii ciidda ugu yimi.

Image may contain: 18 people, people sittingImage may contain: one or more peopleImage may contain: 9 people, crowd and indoorImage may contain: 1 person, close-upImage may contain: one or more people and people standingImage may contain: 1 person, weddingImage may contain: 7 people, people standing and indoor

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker