Somaliland Iyo Puntland Oo Looga Digay Dagaalka TUKARAQ Ee Gobolka Sool

Hay’adda ICG oo ka faaloota arrimaha xasaradaha Caalamka ayaa markii ugu horreysay ka hadashay dagaalka u dhexeeya  Somaliland  iyo Puntland ee gobolka Sool.

 

Warbixin ay soo saartay ICG ayaa lagu sheegay in ay ka walaacsan tahay xiisadaha colaadeed ee ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolkaasi Sool.

 

Hay’addu waxa ay sheegtay in Somaliland Iyo Puntland ay  Ciidamada badan  ku soo daabuleen jiida hore ee dagaalkas, islamarkaana tallabadaasi ay tahay wax laga xumaado.

 

Waxaana ay ka digtay in markale dagaal culus uu ka dhaco deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool .

 

Sidoo kale Ha’yadda ICG ayaa ku eedeysay madaxda Somaliland Iyo Puntland  in ay albaabada ka soo xirteen dadaallo nabadeed oo lagu xalin lahaa colaadaasi.

 

 

ICG ayaa ugu baaqday dalalka Itoobiya, Imaaaraadka iyo kuwa deeq bixiyeyaasha in ay ka qeyb qaataan sidii loo dhameyn lahaa xiisadaasi.

 

Hoggaamiyeyaasha labada dhinac ayaa waxa ay sare u qaadeen lahjadoodii dagaal, ayna guul dareysteen isku dayo dhinaca waan waanta ah oo ay wadeen dowladda federaalka iyo Qaramada Midoobay.

 

Iska hor imaad dhexmara labada dhinac ayay warbixintu sheegtay in uu yeelan doono taariikh xun oo labada dhinacba   ku timaada, sidoo kalena deganaansho la’aan u keenta dalka intiisa kale, waxayna ka digtay in Somaliland Iyo Puntland  ay markale isku soo hor fariistaan dagaal.

 

Waxaa kaloo ay sheegtay Hay’adda ICG in colaadan ay dan u noqon doonto ururka Al-shabaab iyo kooxda yar hase ahaatee qatarta badan ee ISIS, si taasi looga hortago ayay dalbatay in la soo wada fariisto miiska wada hadalka.

 

Hoggaamiyeyaasha Afrika, kuwa reer Galbeedka, Hawlgalka QM ee Soomaaliya, Dowladda Itoobiya, Isu tagga Imaaraadka Carabta iyo Deeq bixiyeyaasha ayay Hay’addu ka dalbatay inay talaabooyin deg deg ah qaadaan, si colaada loo baajiyo.

 

Hay’adda ayaa ka digtay cawaaqibka ka dhalan kara dagaal daba dheeraadaa oo dhaxmara labada dhinac, iyadoo sanadkan 2018 lagu tilmaamay sanadkii gacan ka hadalka ugu badan ee Somaliland Iyo Puntland.

 

Oodweynenews Newsdesk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker