Dawladda Shiinaha Oo Amar Kusoo Rogtay In La Xidho Qunsuliyadda Mareykanka Ee Dalkaas
Dowladda Shiinaha ayaa amar ku bixisay in la xidho qunsuliyadda uu Mareykanku ku leeyahay magaalo ku taal koonfurta galbeed ee Shiinaha – oo la yiraahdo Chengdu.
Shiinuhu wuxuu uga jawaabayaa amarkan tallaabo uu Maraykanku horey u qaaday oo lagu xidhay qunsuliyadda Shiinaha ee ku taalla Maraykanka.
Dowladda Shiinaha waxay sheegtay in go’aankan uu yahay “jawaab lagama maarmaan” u ah tallaabada Mareykanku ku xidhay qunsuliyadda Shiinaha ee ku taalla magaalada Houston.
Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Mike Pompeo ayaa u sababeeyay go’aanka Mareykanka in Shiinahu ku kacay arrimo “xatooyo”.ah.
Xiisada u dhexeysa Shiinaha iyo Mareykanka ayaa sare u kacday iyada oo labada dal ku muransan yihiin arrimo ay ka mid yihiin ganacsiga, Korona fayras iyo xeerka amni ee muranka dhaliyay ee Shiinuhu kusoo rogay Hong Kong.




