19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

Ugu yaraan 19 oo muhaajiriin ah oo ka soo jeeda dalalka saxaraha ka hooseeya ee Afrika ayaa dhintay kadib markii ay doontii ay kaga gudbi lahaayeen badda Mediterranean-ka kuna gaaraan Talyaaniga ay ku degtay xeebaha Tunisia, sida ay Axadda maanta ah sheegtay koox u doodda xuquuqda aadanaha.

Afartii cisho ee la soo dhaafay, shan doon ayaa ku qarraqmay xeebta koonfur kaga began magaalada Sfax, waxaana la la’yahay 67 qof, halka ay sagal qof ku dhinteen, iyadoo ay aad u kordhayaan doomaha u socda dhinaca Talyaaniga.

Ciidamada ilaalada badda Tunisia ayaa shan qof kasoo badbaadiyay doon ay la socdeen xeebta magaalada Mahdia, sida uu Reuters u sheegay Romadan ben Omar oo ah sarkaal ka tirsan hay’adda FTDES.

Mas’uuliyiinta Tunisia ayaan ka hadlin dhacdadan.

Ciidamada Ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa Khamiistii sheegay in ay laba howlgal oo ay ka fuliyeen xeebaha koonfureed ee Talyaaniga ay ku soo badbaadiyeen 750 muhaajiriin ah

Ra’iisulwasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa Jimcihii sheegtay in Yurub ay khatar ugu jirto muhaajiriin aad u badan oo ka imanaya waqooyiga Afrika haddii aan la dejin xaaladda dhaqaale ee Tunisia, waxayna ugu baaqday IMF iyo dowladaha kale in ay ka caawiyaan Tunisia in uusan dhaqaaleheedu burburin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker