Hay’adaha HRW Iyo Amnesty oo ku baaqay in sacuudiga lagu cadaadiyo Joojinta duqeynta Yemen.

Sargaal ka tirsan hey,adaha xuquuqda aadanaha ayaa waxaa uu sheegay in dalalka caalamka aysan culesy saarin xukuumada sacuudiga si loo joojiyo duqeymaha dhanka cirka ah ee ka dhanka ah shacabka yemen.

Edward Corrigan oo ah qareen u dooda hey,ada caalamiga ah ayaa waxaa uu sheegay maanta oo sabti ah in Hey,adaha Human Rights Watch iyo Amnesty International ay u baahan yihiin in laga caawiyo wax badan si loo joojiyo colaada sacuudiga ka wado yemen.

Qareenkan ayaa dhanka kale ugu baaqay golaha amaanka ee qaramada midoobay in ay taxadar ka muujiyaan walaaca ka taagan yemen ficil na la yimaadaan.

Dhanka kale waxaa uu ugu baaqay warbaahinta mareykanka in ay dareen ay u muujiyaan weerarada sacuudiga ee ka dhanka ah dalka yemen kaasi oo saameyay bulshada dalkaas.

Ugu danbeyn waxaa uu sheegay hadii aysan warbaahinta waqooyiga ameerika aysan soo tabin xadgudubyada yemen aysan gaadhi karin hey,adaha u dooda xuquuqda aadanaha ujeedadooda ah in la hakiyo duqeymaha ka dhanka ah yemen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker