Maamul Goboleedka Puntland oo eedeyn culus u jeedisay Dawlada Somaliland

Garoowe (OWN) – Xukuumadda Garoowe ayaa eedeyntii ugu cusleyd u jeedisay xukuumadda  Xukuumada Somalilad, taas oo salka ku heysa dagaallo ka dhacay qeybi ka mid ah gobolka Sool.

Wasiirka Caafimaadka Puntland,Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegay in Somaliland ay ka dambeysay hurinta dagaal beeleed ka dhacay deegaanka lagu Magacaabo Horufadhi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada Somaliland ay diideen in lakala dhex-galo maleeshiyaadka ku diriraya gudaha Gobolka  Sool.

 

 

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Somaliland ay dhibaato ka wado guud ahaan gobolka, islamarkaana ay geysay ciidamo faro badan.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Dawlada Somaliland.

Muddooyinkii la soo dhaafay Waxaa Jiray  deegaano ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag ay ka soo cusboonaatay    dagaalo beeleedyo geystay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dawlada Somaliland iyo Maamulka   Puntland  ayaa isku haya gacan ku heynta iyo maamulida deegaano ka kala tirsan gobolladaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker