Xildhibaan Cusub Oo Loo Dhaariyey Golaha Guurtida JSL

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda JSL, oo dhaariyay xubin buuxinaysa jago ka bannaanaatay golaha Guurtida.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Aadam X. Cali Axmed, ayaa   taariikhdu markay  ahayd  24/07/2021, dhaariyay Mustafe Maxamed X. Daahir Cabdi, oo laga bilaabo maanlintaas  ka mid noqonaya mudanayaasha golaha Guurtida JSL.

Xubinta la dhaariyay ayaa buuxisay, jago uu dhawaan banneeyay, mudane Cabdirashiid Xaashi Cabdi Shiil, taasi oo golaha Guurtidu ay maxkamadda sare u soo gudbiyeen, codsi ay ku dalbanayaan in xilkaasi loo dhaariyo, Mustafe Maxamed X. Daahir Cabdi.

Dhaarinta ka dib guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay mudanaha in uu qaranka ugu adeego, si daacad ah oo hufan, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker