Ex. Wasiir Maxamed Biixi Yoonis Oo Loo Magacaabay Ergay Sare Oo Qaramada Midoobay Uga Hawl Gali Doona Dalka Suudaan

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo loo magacaabay ergay gaar ah oo Nabad ilaalinta ah waddanka Suudaan kaasi oo ka hawl gali doona wada xaajoodyada nabadeed ee dalka Sudan.
Wararka naga soo gaadhaya waddanka Suudaan waxa ay sheegayaan in Maxamed Biixi Yoonis, wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland xilligii xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayay wararku sheegayaan in Qaramada Midoobay u magacawday Ergay sare oo nabad ilaalinta ah kaasi oo durba guda galay xilka sare ee Nabad Ilaalinta looga magacaabay.
Ex. Wasiir Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka soo muuqday warbaahinta Suudaan isaga oo ka qayb galaya wada xaajooyada dhinacyada Nabad Ilaalinta ee dalka Suudaan isaga, xubno safaaradaha reer Galbeedka ah, madaxda Suudaan iyo dhinacyada isku haya siyaasadda dalka Suudaan kulamadaasi oo maalmihii ugu dambeeyey ka qabsoomay caasimadda waddanka Suudaan ee Khartuum.
Ergay Maxamed Biixi Yoonis ayaa kulan kula yeeshay qasriga Madaxtooyada Suudaan Madaxweynaha Suudaan iyaga oo sidoo kale kulamo gooni gooni ah la yeeshay dhinacyada quwadda siyaasiga ah ee dalka Suudaan six al nabadeed looga gaadho dhammaanba khilaafyada dalkaasi ka jira.
Ergay Maxamed Biixi Yoonis ayaa hore uga soo shaqeeyey dalka Suudaan iyo dalal kale oo dibadda ah ahaana ergay sare oo qaramada Midoobay hore sidan oo kale ugu soo magacawday dalka Suudaan gaar ahaan markii dhibaatada culusi ka taagnayd Gobolka Daarfuur iyo goobo kale waxaanu ka tirsanaa xafiiska Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay ka hor intii aanu dalka ku soo laaban oo aanu ka mid noqon golihii wasiirrada ee xukuumaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker