Xidhiidhka Cusub ee Somaliland La Yeelatay Thaiwand ma u soo Jiidi karaa Aqoonsi Caalami ah ,, Qalinkii Suxufi Sinyoore

Qalinkii Suxufi Sinyoore

Hargeysa (OWN) – Waxa maalmihii u dambeeyay aad loo hadal hayey Xidhiidhka iyo heshiiska cusub ee ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Taiwan oo iyagu ah Dawlado aan Haysan Aqoonsi Caalami ah ,Isla markaana aanay Ogolayn Gooni isu taagooda Wadamadii ay ka Tirsanaan  jireen .

 

 

Heshiiskaasi ayaa dhigaya in labada dhinac ay iska kaashan doonaan dhinacyada caafimaadka bulshada, tamarta, macdanta, waxbarashada iyo beeraha iyadoo la adeegsanayo habka Taiwan, taas oo kor u qaadaysa horumarinta iskaashiga labada dhinacba.

 

 

Somaliland ayaa iyadu u aragta guul Dublamaasiyadeed oo Aqoonsi u horseedi karta.  Xidhiidhka  cusub ee Taiwan, wallow ay sidaasi tahay, haddana ma gaadhsiisna arrintu heerka loo maleeyo.

 

 

Taiwan ayaa ah Jaziirad ka tirsan Shiinaha oo sheegta inay ka   madax-banaan tahay Dawlada Shiinaha , maadama la rumeysan yahay inuu yahay gobol isku filnaansho dhaqaale gaadhay, inkasta oo ay  Saadaalin Hadana Taasi Waxaa lagu fasilay inay Somaliland u  horseedi karto   Aqoonsi caalami ah.

Somaliland ayaa ictiraaf ku heli karta haddii     dowladda federaalka ah ee Somalia ay ku Heshiiyaan i ay siiso ogolaanshiyo ay kaga go’ayso, midaasi oo Inay Xamaanta kala Gurtaan taasoo imika u Muuqata mid ay Wadadii Furan tahay

 

Heshiiska Taiwan iyo Somaliland ay dhawaan kala saxiixdeen ayaa la rumeysan-yahay in Somaliland ay guul kaga gaadhi karto dhanka horumarka arrimaha bulshada, maadama ay Taiwan dhaqaalo ahaan ladan tahay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker