Shaqsiyadda qofka Soomaaliga ah waa noocee?

1. Haddaynu shaqsiga Soomaaliga ah ka eegno dhankiisa taban ee caqabadda ku ah jiraalka bulshadiisa, waa qof qab-qofeedkiisa jahliga ku salaysan uu aad u sarreeyo. Qabka jahliga ku salaysani waa qab burbur badan iyo dibu dhac ku yimi. Waa qab dahaadhkii wadarnimadu ka maqan tahay oo ay anaaniyaddu hooy u tahay. Waa qab qiyamku ka burburay, hal-beegyada wanaagguna isaga laaqmeen.
2. Waa qof ay adag tahay in la maamulo, weliba ay sii adag tahay in uu qof Soomaali ah maamulo sababo ay ka mid tahay qab-qofeedkiisaa sarreeya darteed.
3. Shaqsiga Soomaaliga waa qof aan weli magaaloobin. Bulshadeennu waxay u badan facii
1-aad (first generation) ee magaalo ku dhasha, taasina, haddii la raaco aragtiyaha culuumta bulshada, waxay ka dhigan tahay in aanu weli magaaloobin. Kolkaa waad filan karta qof aan weli magaaloobin oo haddana magaalo ku nool waxa laga filan karo.
4. Waa qof yaqaan fa’iidada reerka in ka badan faa’iidada dawladnimada, sidaa darteed, waa qof ay reernimadu kala wayn tahay dawladnimada.
5. Waa qof degdeggu ku badan yahay. Wuxu jecel yahay jiiro-sokeedda (shortcut) hadday waxbarasho tahay, hadday wax dhisid tahay iyo hadday ganacsi tahay ba. Malahayga waa sababta qofka soomaaliga aanu hal-abuurkiisa u maalin ee ay ganacsiyadeennu isugu wada eeg yihiin
6. Shaqsiga Soomaaliga ah waa qof ismaqiiqa oo indho-adaygga maala.
7. Waa qof wax bixiya ase ay adag tahay in uu cid wax la yeesho
FG: Shaqsiga Soomaaliga ah ee aan tilmaamayo waa sida ay bulshadu u badan tahay. Soomaalidu isku dhaqan ma wada ah oo waxa jira jillaabato iyo beeralay in badan dhaqamada kore aan la wadaagin Soomaalida xoolo-raacatada ah. Iyagana si guud uma qusayso shaqsiga aan tilmaamayo.
 Mubarak Maxamuud Saleebaan “Mubarak Hadi”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker