Maxkamad Mareykanka ku taalla oo soo bandhigtay qaybo ka mid ah dukumentiyada la xiriira baaritaanka guriga xildhibaan Ilhaan Cumar

Maxkamad federaali ah oo Mareykanka ku taalla ayaa soo bandhigtay qaybo ka mid ah dukumentiyada la xiriira baaritaanka guriga xildhibaan Ilhaan Cumar, kuwaas oo muujinaya in baaritaanku daboolayo tuhunno la xiriira falal sharci-darro ah oo la sheegay inay soo taxnaayeen muddo tobannaan sano ah. Hase yeeshee, dukumentiyada la shaaciyey ma caddayn nooca dembiyada la baarayo, mana jirto dacwad dembiyeed rasmi ah oo ilaa hadda lagu soo oogay xildhibaanka.

Maxkamad federaali ah oo Mareykanka ku taalla ayaa Isniintii, 23-kii Nofeembar, shaacisay qaybo ka mid ah dukumentiyada maxkamadeed ee la xiriira baaritaan lagu sameeyey guriga Ilhaan Cumar, oo ah xildhibaanad ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga, lagana soo doorto gobolka Minnesota.

Baaritaanka ayaa dhacay 12-kii Oktoobar 2026, waxaana la sheegay inuu la xiriiray tuhunno ku saabsan musuqmaasuq iyo wax-is-daba-marin la xiriirta dukumentiyada socdaalka, iyadoo hay’adaha federaalku ay baarayaan in Ilhaan Cumar ama xubno ka tirsan qoyskeeda ay bixiyeen xog aan sax ahayn.

Dukumentiyada la shaaciyey oo gaaraya ku dhowaad 170 bog ayaa waxaa ku jira xog badan oo la qariyey, mana soo bandhigin faahfaahinta dhammaan eedeymaha ay hay’adaha Mareykanku baarayaan.

Sida ay baahisay majaladda Newsweek, iyadoo soo xiganaysa qoraal ay dowladda Mareykanku u gudbisay maxkamadda, Wasaaradda Caddaaladda ayaa 2-dii Oktoobar codsatay oggolaansho ay ku baarto guriga Ilhaan Cumar, si ay u raadiso caddeymo la xiriira falal dembiyeed oo suuragal ah, kuwaas oo la sheegay inay taariikh ahaan dib ugu noqon karaan sannadkii 1980.

Oggolaanshaha maxkamaddu wuxuu baarayaasha u fasaxay inay la wareegaan dukumentiyo, kombiyuutarro, taleefoonnada gacanta iyo qalab kale oo kaydiya xogta, kuwaas oo ay leedahay ama isticmaasho xildhibaannadu.

Si kastaba, saddex ka mid ah toddobada qaybood ee xogta loo oggolaaday baarayaasha inay raadiyaan ayaa gebi ahaanba laga qariyey dukumentiyada la shaaciyey.

Dukumentiyada la shaaciyey ayaa sidoo kale muujiyey khilaaf u dhexeeyey garsoorka federaalka iyo Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka, kaas oo salka ku hayey ilaalinta xogta la xiriirta shaqada sharci-dejinta ee Ilhaan Cumar.

Garsoore Matthew Sharbaugh ayaa ku adkaystay in baaritaanka guriga xildhibaanka lagu sameeyo dammaanado dastuuri ah oo ilaalinaya dukumentiyada la xiriira waajibaadkeeda Congress-ka, xitaa haddii ay ku kaydsan yihiin gurigeeda ama qalabkeeda gaarka ah.

Wasaaradda Caddaaladda ayaa dhinaceeda ku dooday in baaritaanku aanu xiriir la lahayn shaqada Ilhaan ee Congress-ka, isla markaana aan la doonayn in la helo dukumentiyo uu dastuurku ka ilaaliyo baaritaanka.

Garsooruhu wuxuu ugu dambayn wax ka beddelay habraacyadii ay soo jeedisay xeer-ilaalintu, isagoo xaqiijiyey in Ilhaan ay marka hore fursad u hesho inay aqoonsato dukumentiyada uu dastuurku ka ilaalinayo baaritaanka.

Warbixinnada warbaahinta Mareykanka ayaa tilmaamay in baaritaanka uu sidoo kale taabanayo tuhunno la xiriira xogta taariikhda dhalashada Ilhaan Cumar iyo suurtagalnimada in iyada ama aabbaheed ay bixiyeen macluumaad aan sax ahayn oo saameyn ku yeelan kara hannaankii ay ku heshay dhalashada Mareykanka sannadkii 2000.

Waxaa sidoo kale dib loo soo nooleeyey eedeymo muddooyinkii dambe ay faafinayeen kooxaha muxaafidka ah, kuwaas oo ku saabsan xiriir qaraabonimo oo la sheegay inuu ka dhexeeyo Ilhaan iyo seygeedii hore, Axmed Nuur Saciid Cilmi, iyo tuhunno sheegaya in guurkaasi la xiriiray ka dhuumashada shuruucda socdaalka.

Ilhaan Cumar ayaa marar badan beenisay eedeymahaas, iyadoo sheegtay inaysan ogeyn wax xiriir qaraabonimo ah oo ka dhexeeya iyada iyo seygeedii hore.

Dabayaaqadii Oktoobar, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale weerar dhanka siyaasadda ah ku qaaday Ilhaan Cumar, isagoo dalbaday inay si degdeg ah uga tanaasusho kursigeeda Congress-ka.

Trump ayaa tallaabadaas qaaday kaddib markii magaceeda lagu xusay dukumenti loo gudbiyey maxkamad federaali ah, kaas oo loogu yeeray Ilhaan Nuur Saciid Cilmi, oo sidoo kale loo yaqaan Ilhaan Cabdullaahi Cumar.

Dhanka kale, wakaaladda Associated Press ayaa bishii hore sheegtay in mas’uuliyiinta baaritaanka ku jira ay u direen qaar ka mid ah ehelada Ilhaan amarro loogu yeerayo inay hor yimaadaan xeerbeegti weyn oo federaali ah (Grand Jury).

Ilhaan Cumar ayaa dhankeeda cambaareysay baaritaanka gurigeeda, iyadoo ku tilmaantay isku day lagu bartilmaameedsanayo dadka siyaasadda kaga aragtida duwan maamulka, halka qareenkeeduna uu sheegay in baaritaanka ay wadaan mas’uuliyiintu uu salka ku hayo dano siyaasadeed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker