Madaxwaynayaasha Somalia ,Kenya iyo Cupa oo ka wada Hadlay Dhaatiirtii Alshaab Afduubtay

 

Madaxweynaha dalka Cuba Miguel Díaz-Canel ayaa sheegay in wada-hadallo dhinaca qadka taleefoonka ah uu la yeeshay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya,

 

isla markaana uu kala hadlay dhaqaatiirtii la afduubtey oo la sheegay in lagu haayo qeybo kamid ah Soomaaliya.

 

Qoraal uu soo dhigey Bartiisa twitter-ka Madaxweynaha Cuba ayuu sheegay in inta badan ay iska wareysteen xaalada dhaqaatiirta u dhalatay dalka Cuba ee laga soo afduubtey gudaha Kenya.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in labada Madaxweyne uu kala hadlay sidii dhaqatiirtaas ay dib xorriyadooda ugu heli lahaayeen,iyaga oo badqaba,isla markaana si wadajir ah looga wada Shaqeeyo.

 

12-kii Bishii Apriil ee sanadkan 2019 ayaa rag hubeysan waxaa ay duleedka Magaalada Mandheera ka afduubteen laba dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba,iyaga oo xilligaas diley Askari Booliska Kenya ah oo ilaalinayey.

 

Afhayeen u hadlay booliska Kenya, Charles Owino ayaa sheegay in dableyda oo watay laba baabuur oo Toyota ah ay afduubteen dhaqaatiirta loona maleynayo inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker