Waxba aflaagado kaga qaadimaysaan Marxuum Cabdilahi Fadal Iimaan kumaan kun qof ayaa u duco iyo amiin isugu daray

Maalinba maalinta ka dambaysa waxaa soo muuqanaya wajiga runta ah ee daba dhilifyada ku soo duuntay Xisbiga qaran ee Wadani,kuwaas  oo aan markii horeba ujeedadoodu ahayn siyaasad iyo inuu xisbigu guulaysto ,ee uu ahaa nacayb ay u qabaan beelaha Somaliland  iyo inay isku dhaftaan beelahaas,iyaga oo aan dan iyo muraadtoona ka lahayn  cidii  ku dhamaanaysa xataa haday yihiin beelaha ay sheegtaan in ay ka soo jeedaan.
labadii sanadood ee ugu dambaysay halkan Kuma soo koobi kiro  hawlgalada Farmaajaysan ee ay ka wadeen gudo iyo debeda  ee ALLAH inaga badbaadshay, Waa Ilaahay mahadii. waxaa ku soo hadhay inay baraha bulshada ka sii qaaqleeyaan ,waayo dabci  aye u noqotay , mana waayayaan been iyo  dacaayada intay noolyihiin.
 Maalinwalba waxay layimaadaan aflaagaado ay ku heshiiyiin  inay maalmo socoto taas oo qof iyaga ka mid ihi u xilsaaranyahay sida loo odhanayo ama loo qorayo, waxa kale oo jira in villa Wardhiiglay uu jira xafiis u qaabilsan  isku dirka beelaha Somaliyed oo dhan waana wax cusub oo Farmajo la yimid ,oo Madxweyneyaashi hore aqoon ,Farmaajo wuxuu aad uga yaabay hadalada ay ku hadlaan  oo gaadhay heer ay dafiraan nasabkoodi ,taariikhdi Somaliland ka been sheeegaan,Sida xisbulahi , SNL,USP, NUF ,26 June, waxay  ka been sheegeen oo kale halgankii SNM ,iyo xasuuqyadii uu Afweyne gaystay, waxay taariikhda ka soo bilaabeen  21kii oktobar  qaarkoodna amaanta ay kala daaleen Afweyne waxay gaadhsiiyiin in uu macsuum yahay sida Malaaiigta .
 Laakinse weligaey ismaan odhan umana fadhiyin qof ka mid ah Mataanka ay ku hadaaqaan oo dhintay ayey ku talax tegi aflaagdayntiisa,iyaga oo is leh Madaxweyne Muuse ayaad wax ku yeeli kartaan, ,malahase ma oga in deelqaafkaasi dhibiyo eheladii uu Marxuumku ka dhintay,waxay dadkaasi ku kaceen waa arin ugub ah oo anigu aanan hore u maqal ,sidaa darted waxaan ka codsanaya  Culimada,salaadiinta, wax garadka iyo siyaasiyiinta Xisbiyada in ay wacdi iyo waano shacbka u akhriyaan  ,  wax garadku ha iska arko oo talaabo ha ka qaadaan si aan waxaa  caynkaas ihi mar dambe lay isuma iman.
waxaan ku suu gunaanaday  maqaalkaygan kooban  in yar oo ka mid ah gabaygii Maxamuud Maxamad Yasiin Dheeg
     “” Dadka in xusuustii Caqligu Xaaxiyo dhimatay,
          uu xiskii waxa kala sooci jiray uunka ka xumaday
           waxba yey xeerinin ragii iyo xoolihi lumay
           dadkan xaafadihii burburay oon weli la xayndaabin
           guryo aan xaga sare la dedin xalay ka soo tuusay
          ee saaka Xamar doonaya muxuu ku xiiseeye
        Hayaan70@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker