Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Magaalada Dubai kula kulmay Madaxweyne ku-xigeenka UAE

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Dubai kula kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Isutagga Imaaraadka Carabta ahna Ra’iisul Wasaaraha dalkaas  ahna amiirka xukuma Magaalada Dubai Maxamed Bin Rashid Ala-Maktoum.

Waxay labada masuul ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga labada dal sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaadhay shalay magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaasoo uu kulammo kula yeelanayo madaxda ugu sarreysa dalkaas.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Imaaraadka ayaa ujeedkeedu yahay xoojinta xidhiidhka u dhexeeya labada dal oo sanadahan mugdi ku jiray ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker