Agagaarka hangarada Oomaar ee magaalada Berbera oo Dab ka kacay.

Ciidanka Dab-demiska Berbera ayaa maanta damiyay dab qabsaday mid ka mida hangarada kaydka ee shirkadda Oomaar company agagaarkiisa oo dab ka kacay.

Ciidanka ayaa ku guuleystay inay damiyaan dabĀ  ka kacay goobtaas oo u dhawaa hangarada oo alaabo badan oo sahlayay in dabku sii fido yaaleen, ciidamada ayaa dabkaas ku xakameeyay halkii ay ku gaadheen waxaanay badbaadiyeen hanti badan oo hangarkaa taalay.

Hawlgalkan waxaa goobjoog ahaa Ciidanka Booliska, sidoo kale waxaa Masuuliyiintii hangarku u mahadnaqeen ciidanka Dab-demiska Berbera oo gurmad degdeg ah la soo gaadhay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker