“Kooxda Daacisha Oo Sheegtey Iney Ku Faraxsantahay Dilkii Suliemani “
Kooxda Daacish ayaa soo dhaweysay dhimashada janaraalkii Iiraan u dhashay ee Qasem Soleimani, oo ahaa madaxii cutubka Quds. Warbixin ay soo saareen, ayay ku sheegeen in geerida janaraalka ay faa`iido u tahay dagaal-yahannada. Si kastaba, marna warbixinta laguma sheegin Mareykanka, oo fuliyay weerarkii 3-dii bishan uu ku dhintay Suleymaani ee ka dhacay magaalada Baqdaad. Go`aanka madaxweyne Donald Trump ee lagu dilay janaraal Suleymaani ayaa waxaa ka dhashay cawaaqib xumo is daba joog ah – oo mid ka mid ah ay ahayd dagaalka aan dhammaan ee lagula jiro dagaal-yahannada. warkaas oo dhan halkan hoose ka daawo




