Kaambeyn Qarsoodi ah Oo Ka Bilaabmey Puntland iyo Qorshayaasha La Rabo in Lagu Buuxiyo Kursiga Deni Banaynayo

Tan iyo intii Ka dambaysay, Markii Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni Ku Dhawaaqey, in uu U Taagan Yahey Tartanka Jagada Madaxweyne ee Soomaaliya, Waxaa Magaalada Garoowe ee Xarunta u ah Maamulka Puntland ka bilaabey olole iyo Xanshashaq hoose, oo ku Wajahan Cidda buuxinaysa jagadiisa, taas oo laga Dareemayo Shirdoceedyada Ka Socda Madaxtooyada.
Sida ay Dad badani Aaminsan yihiin oo Reer Puntland ahi, Waxa jira Qeybo Kamid ah Siyaasiyiinta Xiligan, ee Puntland ayaa doonaya in ay Madaxweyne Deni kula taliyaan in Baarlamaanku Doorasho Qabto si uu Kursigiisa u buuxiyo, Asad Diyaano oo uu Kaga badiyay Doorashadii Madaxtinimada Puntland Tiro aan ka badneyn Afar Xildhibaan, halka Siciid Cabdilaahi Deni iyo Kooxda Saaciibadiis ahina doonayaan, in aanney Taasi dhicin oo haddii uu Ku Guuldareysto, Kursiga uu Doonayo in uu Tartamo uu Dib ugu soo laabto Xilkiisa, Luna dhamaysto Mudo Xileedka u hadhey, iyaddoo ay taa Barbara socoto is gaabin uu Jagadan dhinaciisa ugu jiro Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan(Axmed Karaash), oo isaguna Damacsan in uu Puntland Madaxweyne kasii ahaado Mudo Xileedka u hadhey isaga iyo Madaxweyne Deni oo hadda ay uga hadheen tahey Sanadku.
Sikasta, oo ay Tahey haddana Waxa si aad ah Loo hadalhayaa, in aannu Siciid Cabdilaahi Deni, mar Dambe doonayn in isku soo taago Madaxtinimadda Puntland taas, oo habraaceeda Doorasho ku dhisan Tahey Sadexda Haamood ee Beesha Maxamuud Saleebaan, iyadoo Beel Waliba Markeeda Qaadato Kursiga Madaxweynaha haddaba Waxa ay Dad badani isweydiinayaan, Mar haddii Beesha Cismaan Maxamuud ee ay kasoo Wada jeedaan Siciid Cabdilaahi Deni iyo Asad Doyaano Gaar isku arkeen Suurtagal Ma Tahey, in Kursiga Puntland Loo Baneeyay Asad Diyaano Si uu Baarlamaanku Mudo kumeel gaadh ah ugu darro, Mudo Xileedka dhamaanaya, Mise Sanadka Hadhey, Waxaa loo Daynayaa In Madaxweyne Kuxigeenka Axmed Karaash uu sii ahaado Madaxweynaha Puntland?…

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker