Madaxweyne Ku xigeenka JSL Oo Kulan La Qaatey Masuuliyiinta Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwan Maxaliga Ah
Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Gudoomiyaha Guddida Gurmadka Abaaraha Somaliland Ayaa Kulan La Qaatey Masuuliyiinta Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwan Maxaliga Ah Ee Somaliland Ka Hawl Gala, kulankaasi oo ahaa mid lagu Gorfaynaayay sidii laysaga kaashan-lahaa qorshayaasha loogu Gurmanayo dadka Abaaruhu saameeyeen ee Somaliland.