Wasiirka Arimaha Gudaha oo Ku Gacan saydhay Codsiga Mudaharadka Mucaaradku Dalbadeen

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka hadlay dalab ugu yimid Xubnaha mucaaradka ee Somaliland, kaas oo ay ku doonayeen inay ku dhigaan banaanbax ay ugu magac dareen Badbaadada Somaliland.

Wasiirka Kaahin ayaa sheegay in aanu aqbalin warqaddii maanta Mucaaradka ay usoo u gudbiyeen, isagoo ka codsaday guddoomiyeyaasha Mucaaradka inay u yimaadaan si ay uga wadahadlaan bannaan-baxa ay doonayaan.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in bannaan-baxa xeer jideeyay, balse loo baahan yahay in si mas’uulliyadi ku jirto looga wadahadlo.

Wali waxaa taagan khilaafka ka dhashay doorashada Madaxtinimo oo ay u dhaxeyso xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xubnaha xisbiyadda Mucaaradka.

Khilaafkaan oo muddooyinkii ugu dambeeyay cirka isku sii shareeray ayaa waxaa uu ka dhashay Furista Ururada Siyaasadda Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker